HomeBadhasaabka gobolka Sanaag oo faahfaahiyey halka ay marayaan Wada-hadallo u socda Xukuumadda...

Badhasaabka gobolka Sanaag oo faahfaahiyey halka ay marayaan Wada-hadallo u socda Xukuumadda iyo Korneyl Caarre

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-xaajood la sheegay inuu u socda Xukuumadda Somaliland iyo Korneyl Caarre oo dhawaan dagaal dhexmaray Ciidanka Qaranka, kaas oo hadda ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

 

Badhasaabka Gobolka Sanaag oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Ceerigaabo, waxa uu sheegay inay jirto waan-waan laga dhex-wado xukuumadda iyo Malleeshiyaadka uu hoggaamiyo Korneyl Caarre isla markaana ay arrinta ku jiraan Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiinta Beeshiisa, natiijo fiicanna ay ka filayaan.

 

blank

“Marba heerbay maraysaa oo xidhayaashiisii iyo Odayaal baa ku maqan, warbaananu ka sugaynaa, insha Allah war kheyr leh ayaanu ka sugaynaa. Arrinka hore ee ka timidna may xumayn oo odayaashaasaa lagu wareejiyey oo kalsoonida la siiyey,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Tiimbaro.

 

Korneyl Caarre oo hore u ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu Bilowgii dhismaha xukuumadda Muuse Biixi u baxay inuu mucaaradad hubaysan ugu baxay dalka dibaddiisa isagoo fadhiisin ka samaysaytay gudaha maamul-goboleedka Puntland oo lagu soo dhaweeyey isaga iyo Ciidan-beeleedyo uu wato. Haseyeeshee, sida wararku tibaaxeen maamul-goboleedka Puntland ayay isku af-garan waayeen shuruudo ay soo hor-dhigeen, taasina waxay sababtay inuu gudaha u soo galo Somaliland, halkaasna ay isaga horyimaaddeen Ciidamada Qaranka oo dagaal koobani ku dhex-maray ka hor intii aanu u firxan buuraha Golis oo uu dhuumaalaysi ugu jiro xilligan halkaas oo ciidamada Qaranku ku hor-fadhiyaan.

 

Guddoomiye Tiimbaro waxa uu ka digay inaanay jiri karin malleeshiyaad hubaysan oo gudaha Somaliland ku sugan, “Somaliland gudaheeda waxa reebban beel hub ku haysata, gaar ahaan gobolkayaga Sanaag, meel haku xeraysnaado ama guri halagu haysto, ma jiri karaan Qori weyn oo Tikniko la saaro oo Beeluhu haystaan,” Sidaas ayuu yidhi badhasaab Tiim-baro.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG

 

https://www.youtube.com/watch?v=hHnDzrAv5Ys

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories