HomeBadhasaabka Daadmadheeh oo Xidhay Madax Dhaqameed Sheegay Khilaaf U Dhexeeya Isaga Iyo...

Badhasaabka Daadmadheeh oo Xidhay Madax Dhaqameed Sheegay Khilaaf U Dhexeeya Isaga Iyo Maayarka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Oodweyne(SLpost) Maamulka Gobolka Daad-madheedh ayaa habeenkii  xalay xabsiga u taxaabay Saddex Caaqil iyo oday dhaqameed shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Oodweyne kuwaasi oo dhaliilay nidaamka maamul ee baadhasaabka gobolkaasi.

 

Xubnahan oo kala ah Chief Caaqil Cali Mataan x. Xuseen, Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi Cilmi, Caaqil Muuse Quulle Xaashi iyo Oday Shaakir Deeq ayaa  xalay fiidkii Ciidammada booliska ee magaalo madaxda gobolka Daadmadheedh Ee Oodweyne  xabsiga u taxaabeen kadib markii uu amarka xadhigooda bixiyey guddoomiyaha gobolku, waxaana ciiidankan  oo uu hoggaaminayo taliyaha qaybta booliska ee gobolku ay iyagoo hubaysan guluf ku qaadeen guriga maayarka degmada Oodweyne oo xubnahani ku sugnaayeen xilligaas, waxaana halkaasi ka dhashay qas iyo jahawareer markii ay ciidammadu damceen in ay xoog ku kaxeeyaan xubnahan, waxaana halkaasi ka dhashay xabado ay ciidanku kor u rideen si ay u kala dareeriyaan dadweyne faraba badan oo ku soo xoomay gurigaasi.

 

Ujeeddada Sababtay Xadhiga xubnahan

 

Cuqaasha la xidhay ayaa saxaafadda uga waramay khilaaf kala erdheeyay badhasaabka gobolka iyo taliyaha qaybta oo isku dhinac ah iyo Maayarka Oodweyne, iyagoo badhasaabka ku eedeeyay maamul xumo iyo inuu maroorsanayo awoodda golaha degaanka ee shacabku doortay.

 

Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi Cilmi oo kamid ahaa cuqaasha xabsiga loo taxaabay oo xalay khadka telefoonka ugu warramay wargeyska Hubaal wax yar ka hor intaan saldhiga booliska ee degmada loo taxaabin ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu yidhi “Walaalo caawa [xalay] makhribkii iyo cishaa’iga dhexdoodii ayaa annaga oo ku sugan aqalka maayarka Oodweyne waxaa noo yimi gaadhi ciidan ah, oo waxaa ayna yidhaahdeen waad xidhan tihiin, kadib  waxaanu ku nidhi orda iska taga waanu idinka daba imanaynaaye, kadib inta ay tageenbay haddana soo noqdeen iyaga oo uu la socdo taliyihii qaybtu, halkaana waxaa walaal ka dhashay buuq iyo qas oo dadkii magaalada ayaa kacdoon sameeyey oo yidhi ma xidhi kartaan, ciidankiina xabbado ayay kor u rideen oo guriga aanu ku jirnay dusha kaga rideen.” sidaa ayuu yidhi.

 

waxaanu intaa ku daray, “Markii dembe ayaanu annagu isa soo xidhnay kadib markii aanu la tashi samaynay, waxaana aanu la soo xidhiidhnay suldaankii guud ee deegaanka Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo isaguna waxaa uu nagu yidhi orda saldhiga taga oo isa soo xidha, sidaasi ayaanu hadda isku xidhnay” ayuu yidhi Caaqilku.

 

Caaqilka oo ka hadlaya sababta xadhigoodu waxa uu yidhi “Walaalo beryahanba waxaa jiray khilaaf ka dhex jiray Maayarka degmada oodweyne iyo taliyaha qaybta bilayska ee Oodweyne, kaasi oo sababay in Ciidanka Boolisku ay soo xidhaan baabuurka maayarka oo deegaanka daba-gorayaale  la yidhaahdo cashuur kasoo ururinaya, markii taasi dhacdayna waxaa arrintii soo dhex galay baadhasaabkii gobolka oo isaguna la saftay taliyaha qaybta, isaga oo  ku amar ku taagleeyey golihii shacabku soo doortay ee deegaanka isla markaana maayarkii ay wada shaqayntu ka dhaxaysay ayaa uu   damcay in waxba ka dhegeysan waayo.

Marka ay halkaa arrintu maraysay ayaanu annaguna ileen madaxdii dhaqanka ee degmada ayaanu nahay waanu ka hadalnay oo shir jaraaid baanu qabanay oo TVga star baanu ka hadalnay oo runta ayaanu sheegnay, kadibna sidan ayay wax u dhaceen caawa (xalay)” ayuu yidhi Caaqilku.

 

 Waxaanu intaa ku daray in wasiirka arirmaha guduhu uu xalay amar soo siiyey baadhasabka Oodweyne iyo taliyaha qaybtu inay Hargeysa soo galeen oo xaggiinaas bay caawa u soo baxayaan inkastoo aanay wali magalada ka bixin.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories