HomeBadhasaabka Cusub ee Maroodijeex oo maanta Xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee...

Badhasaabka Cusub ee Maroodijeex oo maanta Xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee gobolkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa maanta xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee gobolkaas, haatana loo beddelay guddoomiyaha Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje).

Munaasibad loo qabtay xilwareejinta labada Guddoomiye oo ku qabsoontay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa labada Masuul si rasmi xilka ugu kala wareejiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Soofe. Waxa kale oo munaasibadda ka soo qayb-galay Ku-simaha maayarka Caasimadda ahna maayar ku-xigeenka, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole Qaran, Xoghaya gobolka Maroodijeex, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha guddaha, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, salaadiin, cuqaal iyo marti sharaf kale.

badhasaabbadaWasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha guddaha Somaliland Md Cismaan Garaad Soofe, oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in munaasibada ay labadan masuul xilalka kula kala wareegayaan in ay tahay mid ku cusub Somaliland isaga oo tilmaamay in aanay hore munaasibad noocan oo kale ah soo marin Somaliland isla markaana ay noqonayso markii u horaysay oo badhasaab hore u shaqaynayay uu badhasaab kale oo isna hore u shaqaynayay xilka kala wareego. “Waa markii u horaysay ee aanau munaasibad noocan oo kale ah ka soo qayb galno, waayo xil wareejimihii hore u dhici jiray waxay ahaayeen iyada oo masuul cusub oo la soo magacaabay uu xilka kala wareegayo masuul hore oo xilkii laga qaaday ama la eryay, laakiin tani waa mid inagu cusub oo ay xilalka kula kala wareegayaan badhasaab hore oo gobol laga soo bedelay oo wasaaradda arrimaha hore ula soo shaqaynayay iyo masuul kale oo isna sidaas oo kale ula soo shaqeeyay wasaaradda,” ayuu yidhi Md Garaad.

Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa sidoo kale madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo} ku amaanay isku shaandhayntii uu ku sameeyay badhasaabada dalka, taasi oo uu ku tilmaamay talaabo dawladnimo ooh ore loo qaaday isla markaana ay arrintani meesha ka saarayso qabyaaladii meeshana ay ka saartay nin jeclaysigii.

Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje} oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo masuul hore badhasaab uga soo ahaa gobol kale isla markaana aqoon iyo waaya aragnimo u leh xilka uu la wareegayo.

Waxa kale oo uu Md Xamarje ugu duceeyay masuulka cusub in uu Alle xilkaasi iyo masuuliyada uu qaadya u fudueeyo isaga oo shacbka ku nool gobolka Maroodijeexna ugu baaqay in ay sidii ay isaga ula shaqayn jireen iyo si ka sii fiican ula shaqeeyaan masuulka cusub ee loo soo magacaabay.

Badhasaabka cusub ee gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa u soo jeediyay shacabka ku dhaqan gobolka Maroodijeex iyo caasimada Haragysa in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan, waxaanu tilmaamay in uu si wanaasgan oo la mid ah sidii uu badhasaabkii hore ula shaqayn jiray iyo si ka sii wanagsan ula shaqayn doono dhamaanba masuuliyiinta ay wada shaqayntu ka dhaxayso, isaga oo Eebbe ka baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories