HomeBadhasaabka Buuhoodle oo ku Baaqay in la soo Qabto Gacan-ku-dhiigle Nin ku...

Badhasaabka Buuhoodle oo ku Baaqay in la soo Qabto Gacan-ku-dhiigle Nin ku Dilay Qorilugud Sida uu Dhigayey Heshiis-Nabadeed oo Hore

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) -Badhasaabka gobolka Buuhoodle Cismaan Ciise Maxamed ayaa  ugu baaqay beelaha degga Qori-lugud iyo Horu-fadhi in ay  ilaashadaan nabadgeliyadoodda, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo fidno ka dhex abuuri kara beelaha walaalaha ah.

Hadalka  badhasaabka Buuhoodle ayaa daba socday dhimashadda  nin  dhawaan lagu dilay inta u dhaxaysa magalooyinka Horu-fadhiyo Qori-lugud, isagoo u soo jeediyay dhinaca uu ka soo jeedo ninka gacan ku dhiig-laha ahi in ay soo qabtaan ninkii dilka gaystay, halka uu dhinaca kalena ugu baaqay  in ay nabadgeliyadda ilaaliyaan. Cismaan Ciise Maxamed, oo Hargeysa kula hadlay saxaafadda dawladda ayaa tacsi u diray ehelka nin lagu dilay inta u dhexaysa Qorilugud iyo Horufadhi.

Badhasaabka Buuhoodle, oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Ugu horayn, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa, eheladii uu ka baxay ninkii ku geeriyooday inta u dhaxaysa magaalooyinka Qori-lugud iyo Horu-fadhi dhexdooda, ninkaas oo magaciisa la odhan jiray Yuusuf Saleebaan Geedi, oo ka dhintay beesha Buuhoodle. Haddii aanu nahay masuuliyiintii iyo maamulkii gobolka Buuhoodle waxaanu ka tacsiyadaynaynaa, qoys iyo qaraababa ninkii geeriiyooday eheladiisii.”

Badhasaab Cismaan ayaa baaq u diray odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle iyo Qori-lugud oo uu ugu baaqay  inay ixtiraamaan, una hogaansamaan heshiisyadii nabadda ee ay hore u kala saxeexdeen beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle. “Waxaanu faraynaa, cuqaasha, waxgaradka iyo isimadda ku nool degaamadda Buuhoodle iyo Qori-lugud arrintii nabadaynta ee ahayd xeerarkii laga dhigay ee isimadu saxeexeen, ee aad goobjoog ka ahaydeen, in aanu qarsoomin gacan ku dhiigle dhib iyo aafo u gaystay dad bani’aadam ah, oo islaam ah. Waxaanu heshiisku ahaa in la soo saaro gacan ku dhiiglahaa dilay marxuumka lagu dilay magaalooyinka Horu-fadhi iyo Qori-lugud dhexdooda,”ayuu yidhi  Cismaan Ciise.

Waxa kale oo uu fariin u diray beelaha walaalaha ah ee wada dega Buuhoodle iyo Qori-lugud. Waxaanu yidhi “Waxaanan halkan baaq uga dirayaa dadka walaalaha ah, ee isku daaqsiinka ah ee isku ehelka ah, ee is-dhalay in la iska jirro in dad fidmo-wadeyaal ahi ka dhex shaqeeyaan.Waxaanan leenahay qofku wuu dhintaa, ama kaneeco ha disho, ama xabadi hadisho ama dar Illaahay ha u dhinteen, in laga bad-baadiyo cidda dambe ee dhimanaysa si aanay u dhiman in laga hortaggo.”

Badhasaabku waxa uu faray dhinacyadda shilku ka dhex dhacay  in ay dib u eegaan heshiiskii u danbeeyay ee nabadaynta, isla markaana gacanta lagu soo dhigo danbiilihii falkaasi geystay.

Cismaan Ciise Maxamed, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaan leeyahay in badan ayaynu dagaal ku soo jirnay wax faa’iido ah oo aynu ka helnayna ma jirto. Dhibaato intasi inoogu filan, qofku wuu dhimanayaa, qofkii gacan ku dhiiglahaa ahaa, ee cidii dhishay in la isku hawlo sidii loo soo qaban lahaa ama loo ogaan lahaa.Waxaanan leeyahay reer Qori-lugud, cuqaal iyo waxgarad madashii nabadda waynu wada fadhinay balan iyo axdi ayaynu kala qaadanay, qoraalkiina waanu haynaa, waxaanan u soo jeedinayaa balantii iyo axdigii hala ootiyo, dadka ha lagula shaqeeyo samaan iyo walaalnimo, ayaanu la fidin fidmo.Qoladda Buuhoodle ama Horu-fadhina, ee hadda gacanta gaystay waxaan ugu baaqayaa inay iska soo sheegaan ama soo qabtaan gacan ku dhiiglihii, oo aanu la soo gelin fitan, oo ayaan la odhan reer hebel ayaa dilay iyo reer hebel ayaa dilay, ama qolaa dishay. Qof baa dilay qofkaasi ayaanu saamayn qabiil ama qaran, ha la qabto.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories