HomeBadhasaabbadii Gobollada Dalka oo Madaxweyne Siilaanyo isku beddelay iyo Qaar Xilka laga...

Badhasaabbadii Gobollada Dalka oo Madaxweyne Siilaanyo isku beddelay iyo Qaar Xilka laga qaaday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeys (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1568/022013 uu isku bedel ku sameeyey Badhasaabada Dalka qaar ka mida.

MADAXWEYNAHA:

Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:          Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday:                In baahi loo qabo in isku-beddel lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gobollada Dalka si loo horumariyo hanaanka Dawladnimo;

Markuu La Tashaday:     Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay:                  In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

1.In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool)

2.In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL)

3.In Mudane, Maxamed Faarax Aden, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4.In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL)

5.In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6.In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.( horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne).

7.In Mudane, Jamaal Xuseen Hurre, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd)

8. In Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

9.In Mudane, Ibraahim Xasan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saraar)

10.In Mudane, Axmed Cali Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomaha Gobolka Gabiley).

Xilka Qaadis

Madaxweynuhu waxa uu Xilkii Gudoomiye nimo ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub. “

Somalilandpost/Hargeysa xamarje

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories