HomeBadhan: Somaliland oo digniin u dirtay maamul-goboleedka Puntland

Badhan: Somaliland oo digniin u dirtay maamul-goboleedka Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin adag u jeedisay Maamul-goboleedka Puntland oo inta badan Sheegta qaybo kamida Dhulka Somaliland, gaar ahaan Deegaamada Gobolka Badhan, waxaanay Dawladdu caddeysay in aan loo sii dulqaadan karin wax ay ku tilmaantay daan-daansi iyo xad-gudubyo qaawan oo Maamulkaasi ku hayo Bulshada ku dhaqan deegaannada gobollada Baiga

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamul-goboleedka Puntland, ayaa toddobaadkii hore warbaahinta Garoowe u sheegay in maamulkiisu gacanta ku hayo Gobolka inta badan gobollada Sool iyo Sanaag intooda badan, isla markaana ay u hadhsan yihiin oo kaliya inay gacanta ku dhigaan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood.

Haddaba, Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaamud Cumar shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Badhan,waxa uu digniin culus u jeediyey Maamulka Puntland iyo cid kasta oo ku howlan khalkhalinta nabad-gelyada iyo horumarka gobolkaasi.

“Waxaan ku suganahay Gobolka Badhan. guud ahaan xarumihii dawladda Somaliland ee gobolku way shaqaynaynayaan. waxaan halkan kaga jawaabayaa hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ahaa inay meesha ka saareen wax alla wixii u shaqaynayey Xukuumadda Somaliland. waxaan leeyahay hadalkaasi waa hadal  waxba kama jiraan ah. Anigoo Guddoomiyihii gobolka ah iyo dhamaan Shaqaale weynihii waxaanu ku kala suganahay gobolka Badhan, taasaana inoogu filan tusaale wanaagsan.

Waxa aanu u shaqaynaynaa oo aanu ka shaqaynaynaa waa deegaankayagii iyo gobolkayagii, waxa nasiib darro ah inay had iyo jeer caadaysato in cid aan gobolka u dhalan oo ka yimi Mudug, Jarriiban amma Burtinle in isagoo qol Xamar ah ku xidhan uu isku-buuqa iskaga biiyo bulsho degan oo uu hadal dhibaato ah ku soo dhex tuuro, iyadoo aanay mar, laba iyo saddexba ahayn inta jeer ee uu bulshada dhibaato ka dhex abuuray”ayuu yidhi Guddoomiye Xaamud.

Guddoomiyaha Gobolka Badhan waxa sheegay inay Xukuumadda Somaliland mar walba ku taagantahay oo ay Ixtiraamayso daris-wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshiyaha Mandaqada, sidaasi darteed haddii Puntland iyo kooxaha kale ee Soomaaliya dhowri waayaan aanay u sii dulqaadan doonin.

“Xukuumad ahaan iyo gobol ahaanba u dulqaadan mayno cid alaale cidii dhibaato ku haysa bulshada gobolka Badhan. Maamulka Puntland waxaanu ugu baaqaynaa inay ku eekaadaan derisnimada. waxaanu leenahay derisnimadiina ku eekaada oo ha soo dhaafina. anigu Somaliland haddanu nahay waxaanu mar walba xeernaynaa waa nabad-gelyada iyo derisnimada,” sidaas ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Waxaan ugu baaqayaa Bulshada gobolka Badhan inay nabad-gelyadooda, xasiloonidooda iyo horumarkooda ilaashaadaan. Shalay oo u dambeysay waxaanu xadhigga ka jaraynay Mashaariic horumarineed, iminka waxa lagu jiraa xilli Jillaal ah, xukuumadda Somaliland waxa ay qorshaynaysaa sidii ay shacabkeeda ula qaybsan lahayd dhibaatada jirta,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Badhan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories