HomeBADHAN: Diyaaraddo Joog Hoose ku Duulaya oo Ugaadhsanaya Ugaadha Somaliland iyo Ciidanka...

BADHAN: Diyaaraddo Joog Hoose ku Duulaya oo Ugaadhsanaya Ugaadha Somaliland iyo Ciidanka Qaranka oo Dagaal Kala Hortagay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Ciidanka qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay gobolka Badhan,ayaa dagaal kala hor tegay diyaarado nooca qumaatiga u kaca  ah oo ku soo xad gudbay hawada Somalilanad isla markaana si sharci darro ah u ugaadhsanayay Ugaadha Somaliland ee deegaanada Gobolka Badhan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Badhan Kabtan Yaasiin Cismaan Saalax  iyo Maayarka degmada Badhan Cabdalle Maxamuud Faarax,  ayaa  wada jir uga hadlay duulaanka sharci darrada ah ee ay gudaha dalka Somaliland ay ku yimaadeen diyaaradahaas oo si sharci darro ah deegaannada gobolka Badhan ku soo galay isla markaana khasaare  kala duwan u gaystay Xoolaha deegaanka Gobolka Badhan.

Taliye Guray iyo Maayar Cabdalle,ayaa sidaa ku sheegay waraysi ay wada jir khadka  Telefoonka  ugu siiyeen wargeyska Dawan. Iyagoo ku sugan magaaladda Badhan.

“Diyaaradahani waa qaar Millatari oo ka soo duulaya meel aan fogayn gaar ahaan waxay ka soo dul kacayaan  maraakiibta millatariga ee  ku sugan biyaha xeebta  Soomaaliya  ee la dagaalama Budhcad-badeeda. waxaanay diyaaradahani ku duulayaan joog hoose, markaa saaka(shalay)ayaanu markii ugu horraysay la kulanay waxaanan kala hortagnay dagaal laakiin markii ay gaadiidka Ciidanka arkeen joog sare ayay ku kaceen dib ayaanay u noqdeen,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Sarkaalkaas  oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray. “Annagu ciidan ahaan dagaal ayaanu kala hor tagnaa, waanan ka difaacnay intaan awoodi karaynayna waanu ka saarnay laakiin wax sidaa ku tegaya maaha waana khatar taagan.  mar kastana joogta una baahan in dalka laga difaaco. waxaanan Xukuumadda dhexe ka codsanaynaa in nagala caawiyo qalab iyo gaadiidba si aanu diyaaradaha dalka uga wada saarno. Diyaaradahan waxaa wata rag Caddaan ah oo millatari ah waxaanay wataan diyaarado yar yar oo Heli kabtarro ah oo waliba ah kuwa aan daaqadaha lahayn waxaanay sitaan shabaag waawayn oo ay ugaadha ku qabanayaan oo ay khayraadka dalka ku xaalufinayaan.”

Dhinaca Kale Maayarka Degmada Badhan  oo ka hadlayay khatarta diyaaradahan  a ee gobolka Badhan ugaadhsiga sharci daradaha ku haya iyo khasaare ay xoolo nool u geysteen,waxaanu yidhi  “Maanta (shalay) ayuu ugu daran yihiin duulaanka ay diyaaradahani soo qaadeen oo mabay kala joogsan,  waxaanay markii dambe is heleen Ciidanka qaranka  oo markii gaadiidka Ciidanka qaranku ay gaadheen goobihii ay dul duulayeen ayay dib ug noqdeen korna u fogaadeen oo joog sare ku duuleen. waxaa kale oo ay maanta(shalay) geysteen khasaare duunyeed oo xoolo ayay saaka (shalay)waabarigii dileen taasoo sababtay in geelal xeraysnaa oo ay si hoose  dushooda u mareen ay dideen kuna jajabeen didistii,markaa xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa in ay gurmad deg deg ah ku soo gaadho deegaankan diyaaraduhu ugaadhiisii xaalufinayaan.”

Dhinaca kale nin geella shalay subax diyaaraduhu didiyeen lahaa ayaa sheegay in geeliisa khasaare xoolaad uu soo gaadhay islamarkaana ay qaleen dhawr neef ka dib markii ay ku jajabeen guuxii diyaaraha jooga hoose ku duulayay ay dul mareen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories