HomeBaarlamanka Ingiriiska oo Somaliland ku soo Daray Dood-Xaasaasi ah oo shalay Dhexmartay...

Baarlamanka Ingiriiska oo Somaliland ku soo Daray Dood-Xaasaasi ah oo shalay Dhexmartay Mudaneyaasha Golahaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London  (SLpost)- Baarlamanka Dalka Ingiriiska oo shalay ka doodayey shuruucaha ku habboon in lagu dabbakho gar-gaarka dalkaasi siiyo dalalka dibadda xilliyada ay dhibaatooyinku dhacaan, ayaa waxa dooddiisa ku soo qaaday Somaliland Mudane ka tirsan golahaas oo lagu magacaabo Edward Leigh.

Xildhibaan Edward Leigh waxa uu soo jeediyey in layareeyo caqabadaha horyaalla gargaarka bani’aadminimo ee la siiyo waddamo Somaliland ku jirto, isaga oo ku dooday in la kala saaro siyaasadda iyo badbaadinta bani’aadamnimada.

UK-Parliament-debate-SyriaBaarlamaanka Ingiriiska oo shalay ka doodayey xeerka wasaaradda gargaarka caalamiga u qaabisan Ingiriisku ku shaqeyso, ayaa Xildhibaan Edward Leigh oo ah mudane ka tirsan xisbiga talada haya (Conservative) sheegay in hawsha wasaaradda loo baahan yahay ay u socoto si xawli u socoto.

Mr. Leigh oo ka hadlayey, ayaa yidhi, “Gargaarka bani’aadminimo oo ah shaqada wasaaradda gargaarka caalamiga waa inay xawli u socotaa, isla markaana wasiirku waa inuu talaabo u qaado keliya isagoon eegayn in la buuxiyey shuruudaha ku xidhan, balse sababtoo ah waxa lagu badbaadinayaa nolosha dadka.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Farqada 2 ee xeerkani waxay sheegaysaa ‘Ka hor intaan la bixin gargaar, wasiirku waa inay hubisaa ku haboonaanshaha shuruucda, iyadoo qorshaha ku darsanaysa inaanay jirin faraq lab iyo dhedig (dheeli-tir) oo ka jira dadka ay dhibaatadu saamaysay ama u baahan gargaarka.”

Mr. Leigh ayaa doodiisa ku soo xidhay, “Dhab ahaan Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa sidaa samaynaya. Waxay noqonaysaa foolxumo, hadii dhibaato ka dhacdo dalka Congo, Somaliland ama meel kale, isla markaana ku ogolaado bixinta gargaarka qaab aan cidna waxba u tareyn.

Markuu la tacaalayo dhibaato noocaa oo kale ah, ma jecli in in shaqaale dawladeed is-hordhigo waraaqo, sabab ah inuu buuxiyo shuruudaha xeerkani farayo, taasoo muuqanaysa inaan marnaba la buuxin Karin.

XIGASHO: Wargeyska HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories