HomeBaarlamaanka UK oo Cod Aqlabiyad ah ugu codeeyey in Falastiin loo aqoonsado...

Baarlamaanka UK oo Cod Aqlabiyad ah ugu codeeyey in Falastiin loo aqoonsado Waddan Madax-bannaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Mudaneyaasha Baarlamaanka Britain, ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyey in dawladdooodu maamulka Falastiiniyiinta u aqoonsato waddan madax-bannaan oo ka garab-dhisan dawladda Israa’iil, si loo dhiirri-geliyo nabad-ku-wada noolaanshiyaha labada shacab, in kasta oo codbixinta ay ka qayb-qaateen kala-badh tirada mudaneyaasha baarlamaanka.

House of Commons - UKFadhi Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Britain (House Of Commons) yeeshay Isniintii, kana soo xaadireen 286 xildhibaan oo mid ah 605 mudane oo golahaasi ka kooban yahay, waxa u codeeyey in la aqoonsado Falastiin 274 halka 12-ka mudane ee kale ka aamuseen.

Mooshinka qadiyaddan oo baarlamaanka oo uu soo hordhigay xildhibaan Grahame Morris oo ka tirsan xisbiga Labour-ka isla markaana uu kaabis ku soo sameeyey wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Britain, Jack Straw, waxa aan ka qayb-qaadan Wasiirrada Dawladda oo ka mid ahaa 12 xildhibaan ee xubnaha ka aamusay.

Wasiirka Bariga Dhexe u qaabilsan dawladda raysal-wasaare David Cameroon, Tobias Ellwood oo ka qayb-qaatay doodda mooshinkan, ayaa sheegay inay Falastiiniyiintu xaq u leeyihiin in la Aqoonsado balse ay Britain dib ugu dhigtay marka la gaadho wakhti ku habboon oo loo hoggaansamo Geeddi-socodka wada-hadallada Nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iliyiinta.

Sannadkii 2012-dii Golaah loo Dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxay u codeeyeen in kor loo qaado mansabka Falastiin ee QM, waxaana loo dallacsiiyey xubin Korjooge ka ah Golaha Qaramada Midoobay. 138 waddan ayaa fadhigaas u codeeyey Falastiin, waxaan diiday 9 waddan oo Maraykanku ku jiro, halka 41 kale oo Ingiriisku ka mid yahay ay ka aamuseen.

Xildhibaanka Mooshinkan soo hordhigay Golaha, ayaa dooddiisa ku sheegay in Aqoonsiga Falastiin ay calaamad muhiim ah u noqonaysa tallaabo loo qaaday dhinac nabadda.
Dawladda UK oo aqlabiyaddiideedu ka dhisan tahay Xisbiga Coservative-ka, ayaa siyaasaddeedu tahay inay dib ugu dhigto aqoonsiga Falastiin shuruud ay ku xidhayso oo ah in marka hore la gaadho heshiis buuxa oo u dammaanad-qaadaya Israa’iil nabadgelyo Falastiiniyiinta ay ka hesho.

Codeynta Fadhigii maanta Aqalka Hoose ee Ingiriisku arrintan ka yeesheen, ayaa ku soo beegantay xilli dhaq-dhaqaaqyo lagu taageerayo Aqoonsiga Falastiin ay ka socoto waddamo ku yaala qaaradda Yurub iyada oo tirada waddamada Adduunka ee Aqoonsiga Falastiin ku yaboohay ay immika gaadhayso 100 waddan, waxaana ugu dambeeyey waddanka Sweden oo todobaadkan sheegay inay dawlad buuxda u aqoonsanayaan Falastiiniyiinta.

Xisbiga Labour-ka ayaa dawlada Britiain labada jeer oo hore, sannadihii 2011 iyo 2012, ugu baaqay inay ku taageerto codsiga maamulka Falastiin kaga dalbaday Qaramada Midoobay Aqoonsi Buuxa iyo waddan Madax-bannaan.

SOMALILANDPOST.NET

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories