HomeBaarlamaanka Taiwan oo ka hadlay Aqoonsiga Somaliland oo Muujisay inay Dunida inteeda kale...

Baarlamaanka Taiwan oo ka hadlay Aqoonsiga Somaliland oo Muujisay inay Dunida inteeda kale uga Mudan tahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Taipei (SLpost)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka Taiwan, ayaa xukuumadda dalkaas ugu baaqay in la beddelo magaca ay ku hawl-galaan Safaaradaha iyo xafiisyada dibloosiyadeed ee ay ku leeyihiin 91 waddan oo Adduunka ku yaalla si loo muujiyo madax-bannaanida iyo jiritaanka Qaranimo ee Taiwan.

Xildhibaan Chiu Chih-wei iyo Hsu Chih-chieh oo Xisbiga talada dalkaas haya ee DPP ku metala Golaha Baarlamaanka, ayaa arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Aqalka Baarlamaanka Taiwan oo loo yaqaano Yuan, kaas oo ku yaalla caasimadda dalkaas ee Taipei.

blankSida aanu ka soo xigannay Wargeyska Taipei Times, waxa ay xildhibaannadani Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan ugu baaqeen inay guddi heer qaran ah u xil-saarto ka-soo-talo bixinta iyo hirgelinta qorshahan.

Waddanka Taiwan oo hore uga tirsanaan jiray Dhul-weynaha Shiinaha oo u aqoonsan qayb ka mid ah dalkooda, ayaa ah waddan madax-bannaan oo Aqoonsi ka haysta in ku dhow 100 waddan oo caalamka ah marka laga reebo dalalka ay xidhiidhka leeyihiin ama dhaqaale ahaan ku tiirsan dalweynaha Shiinaha.

Sida Wargeysku qoray, Safaaradaha dalka Taiwan ku leeyahay waddamada caalamka ee cilaaqaadku ka dhexeeyo, ayaa ku hawl-gala magaca Republic of China (ROC) marka laga reebo xafiiska dibloomasiyeed ee dalkaasi ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland oo badhtamaha sannadkii hore xadhigga laga jaray, kaas oo magaca uu sitaa yahay magaca dalka Taiwan ama Taiwan Representative Office.

“Xafiis-wakiileedyada Qarankani waxay intooda badani ku magacaaban yihiin Xafiisyada Ganacsi iyo Dhaqan ee Taipei (Taipei Economic and Cultural Offices), waxay muddo badan siteen magaca caasimadda halkii ay ka sidan lahaayeen magaca dalka,” sidaa waxa shirka jaraaaid ka sheegay Xildhibaan Chiu Chih-wei.

Waxa uu xildhibaanku soo jeediyey in magacyada xafiisyadaasi lagu beddelo magaca Dalkooda si ay uga tarjumaan madax-banaanidooda iyo baadi-goobka ay ugu jiraan Aqoonsi Caalami ah, waxaanu yidhi,  “Waa in xafiisyadan magaca laga beddelaa si ay u muujiyaan inay Taiwan tahay qaran madax-bannaan oo iskii isku maamula oo doonaya Aqoonsi Caalami ah. Waa in la beddelo dhammaan magacyada xafiisyada dibloosiyadeed ee Taiwan oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka iyo Japan”.

Xildhibaanku waxa uu dooday inay xilligan adduunka ka jirto Dabayl siyaasadeed oo wadata isbeddel togan oo taageero u ah danaha dalka Taiwan, sidaas awgeed looga baahan yahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay ka faa’idaysato fursadaha ku lammaan.

Mudane Hsu Chih-chieh ayaa ku baaqay in la beddelo magacyada xafiisyada ay ku leeyihiin dalalka Yurub iyadoo laga faa’idaysanayo fursadaha ku jira Qaraar dhawaan ka soo baxay Baarlamanka Midowga Yurub oo lagu go’aamiyey in la xoojiyo xidhiidhada Dalalka Midowga Yurub iyo Taiwan.

Waxa uu mudane Hsu soo jeediyey in la beddelo magacyada xafiisyadooda dalalka Yurub oo laga dhigo si la mid ah Xafiiska dibloosiyadeed ee Taiwan ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida uu qoray Wargeyska Taipei Times, dhawaaqa ka soo yeedhay xildhibaannada waxa markii ka jawaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan oo mudaneyaasha uga mahad-celisay talo- soo-jeedintooda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan oo lagu magacaabao Joanne Ou ayaa sheegtay in kasta oo ay tixgelin siinayaan soo-jeedinta mudaneyaasha, kuna ammaanayaan, balse go’aanka lagu beddelayo magacyada ay sitaan xafiisyadooda dibloomasiyeed uu ku xidhan tahay oggolaanshaha waddanka uu ku yaallo.

“Magaca Xafiis-wakiileedka waxa lagu beddeli karaa oo keliya oggolaanshaha waddanka martida loo yahay,” Sidaas ayay tidhi Joanne Ou.

Somaliland ayaa noqotay waddanka kaliya ee uu ka furan yahay xafiis-dibloosiyeed oo sita magaca dalka Taiwan, marka laga reebo Xafiis kale oo dhawaan laga furi doono caasimadda waddanka Lithuania oo ku yaalla Bariga qaaradda Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories