HomeBaarlamaanka Midowga Yurub oo ka hadlay Qaabka Somaliland u Qaabishay Qaxoontiga Yemen...

Baarlamaanka Midowga Yurub oo ka hadlay Qaabka Somaliland u Qaabishay Qaxoontiga Yemen iyo Xaqa ay u leedahay Aqoonsi ay ka hesho Beesha Caalamka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Strasbourg (SLpost)- Dood Arbacadii dorraad ka dhacday Aqalka Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska, ayaa lagaga hadlay Aqoonsiga Somaliland oo lagu ammaanay nidaamka dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga ee ka jira iyo sidoo kale sida ay Somaliland u qaabishay Dadka Qaxootiga ah ee ka soo barakacay waddanka dagaalada ka socda dalka Yemen.

Fadhiga baarlamaanka Midowga Yurub oo lagaga doodayey Xaaladda ka taagan dalka Yemen iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo ee ka taagan, waxa uu dooddiisa ku soo darsaday Somaliland iyo sida ay u qaabishay Qaxoontiga ka soo barakacay Dalka Yemen Xildhibaan James Carver oo Baarlamaanka Midowga Yurub ugu jira Xisbiga UKIP oo ah Xisbiga saddexaad ee ugu weyn dalka Ingiriiska.

MEP - James Carver
MEP – James Carver

Md James Carver waxa uu dooddiisa ku xusay isla markaana ugu soo jeediyey mudaneyaashii ku sugnaa fadhiga Baarlamaanka inay ku taageeraan mooshin uu Golaha ugu soo gudbinayo sidii mar kale Aqoonsi Caalami ah loo siin lahaa Somaliland, isagoo tixraaca hadalkiisa ku ladhay Qaabilaadda Qaxoontiga ka soo cararaya dalka Yemen.

“In kasta oo ay kala duwan duwan yihiin aragtiheenna siyaasadeed, fadlan igu taageera mooshinka aan halkan idiinku soo gubinayo oo ah in dib loo aqoonsado Somaliland oo ah waddan Xasiloon oo waxyaabo badan qabsaday. Ma igu raacaysaan inaynu taageerno waxay Somaliland qabsatay iyo dedaallada caawineed ee ay ka waddo magaalada Berbera oo ay u soo qaxaan Qaxoontiga ka cararaya dagaallada Yemen,” Sidaas ayuu xildhibaanku ka sheegay fadhiga.

Charles Tannock
Charles Tannock

Intaas kaddidb, waxa hadalka la wareegay Xildhibaan Charles Tannock oo Xisbiga talada dalka Ingiriiska haya ee Conservative-ka ugu jira Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub isla markaana ka mid ah Ururka xildhibaannada Xisbiyada Isbeddel-doonka ah ee Golaha EU-da (ECR Group), waxa uu Mr Carver Aqoonsiga Somaliland, isagoo soo qaatay taariikhda Somaliland iyo astaamaha ay kaga duwan tahay waddamada Geeska Afrika.

“Haa, waa Xaqiiq, Somaliland way u qalantaa inay mar kale Aqoonsi hesho, waxay hirgelisay nidaam dimuqraadiyadeed iyo hannaan dawladeed oo shaqaynaya. Waxay qorshe ka yeesheen oo la dagaalamaan budhcad-badeedda iyo argagixisada. Marka la eego xaqiiqooyinka taariikheedna, waxay mar ahaan jirtay Maxmiyad Ingiriis ah, waxaanay markii dambe ka mid noqotay oo lagu daray Qaramada Midoobay inay noqoto waddan madax-bannaan,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Charles Tannock.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Laakiin doodda maantu kuma saabsana Somaliland, in kasta oo ay Qaali igu tahay, balse waxaynu ka hadlaynay xaaladda ka taagan dalka Yemen oo arrimo bani’aadamnimo ka jiraan. Qaxoonti badan ayaa ka tallaabay gacanka Cadmeed oo lagu soo dhaweeyey Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera, iyadoo waliba xukuumadda Somaliland dedaal dheer u gashay si ay u qaabili lahayd iyo sidii dib-u-dejin loogu samayn lahaa dadka qaxoontiga ah, waanan ku hambalyeynayaa dowladda Somaliland inay hawshaas qabato.”

Xildhibaan Carver iyo Xisbigiisa UKIP ayaa si weyn u taageera qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxa uu tiraba dhowr jeer soo-dhigay Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub Mooshin uu taageero ugu raadinayo sidii midowga Yurub u aqoonsan lahaa Somaliland.

Haseyeeshee, hadalka ka soo yeedhay Xildhibaan Charles, ayaa noqonaya markii u horreeyey ee xildhibaan ka tirsan Xisbiga Conservative-ka ee dalka Ingiriisku ka hadlo taageerada Aqooniga Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories