HomeBaarlamaanka Ingiriiska oo Soo Bandhigay Xaqiiqooyin Soo-dedajin kara Aqoonsiga Somaliland

Baarlamaanka Ingiriiska oo Soo Bandhigay Xaqiiqooyin Soo-dedajin kara Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska (House of Commons), ayaa shalay dood ka yeeshay Aqoonsiga Somaliland, waxaanay xildhibaannada doodda ka qayb-qaatay dhammaantood isku raaceen muhiimadda ay gobolka iyo dalalka reer Galbeedka oo Ingiriisku u horreeyo u leedahay Somaliland oo aqoonsi ka hesha beesha caalamka.

Mudaneyaasha ayaa u soo jeediyey dowladda Ingiriiska inay qaadato go’aan geesinimo leh isla markaana ay ka shaqayso sidii ay Somaliland uga caawin lahayd inay noqoto Qaran madax-bannaan oo la aqoonsan yahay.

blankDoodda mudaneyaasha Aqalka Hoose ee Ingiriiska ayaa ka dhalatay mooshin ku saabsan Aqoonsiga Somaliland oo uu golaha horkeenay Xildhibaan Gavin Williamsin oo ka tirsan Xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo raysal-wasaare Boris Johnson. Xildhibaanka ayaa socdaal ku yimi Somaliland xilligii uu ahaa Wasiirka Waxbarashada Dalka UK sannadkii 2019-kii.

Fadhiga Baarlamaanka Ingiriiska ee shalay waxa fadhiyay oo goob-joog ka ahaa doodda lagaga hadlay qadiyadda Somaliland xubno ka tirsan Wasiirrada dalkaas, kuwaas oo la hordhigay su’aalo iyo soo-jeedimo la xidhiidha Aqoonsiga Somaliland.

Haweenay ka tirsan Baarlamaanka UK ayaa dowladda ay ka tirsan tahay hordhigtay qaladka siyaasadeed ee mowqifka Xukuumadda raysal-wasaare Boris Johnson ee khuseeya go’aaminta Aqoonsiga Somaliland.

blankXildhibaan Rushanara Ali oo asal ahaan ka soo jeedda waddanka Bangledesh oo ka tirsan dalalkii uu Ingiriisku gumaysan jiray ee ku midaysan Ururka Barwaaqo Sooranka, ayaa sheegtay inay tahay qalad aan layska indho-tiri Karin in Aqoonsiga Somaliland lagu xidho wada-hadallo dhex-mara Soomaaliya, waxaanay su’aasha arrintan ku saabsan weydiisay Wasiirka Arrimaha Yurub u qaabilsan UK, Christ Heaton oo ku sugnaa Fadhiga baarlamaanka.

Haweenaydani waxa ay tusaale u soo qaadatay dalka ay u dhalatay ee Bangledesh xilligii uu olalaha ugu jira madax-bannaanida iyo ka go’o dalka Pakistan xilligaas oo dowladda Ingiriisku taageertay madax-bannaanida Bangledesh, waxaanay fadeexad iyo ceeb ku tilmaantay doodda dowladda UK ee ah in go’aaminta aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay wada-hadal dhexmara Soomaalida.

“Waxaan doonayaa in aan tusaale usoo qaato waddankii aan ku dhashay ee Bangladesh. Dawladdii Ingiriiska ee markaa jirtay waxa ay si toos ah u taageertay gooni isu taagga waddankii aan ku dhashay ee Bangaldesh oo markaa hagankiisii madax bannaanida kula jiray waddanka Pakistan. Dawladda Ingiriisku may odhan Pakistan ha go’aamiso gooni isu taagga Bangaladesh. Wasiirku miyaanu arkayn inay wax lala yaabo tahay in taas cakiskeeda immika la qaato oo la yidhaa Somaliland iyo Somalia iyagu ha dhammaystaan hawlahooga.” Sidaas ayay tidhi xildhibaan Ali.

Doodda mudane Rushanara Ali waxa taageeray isla markaana carrabka ku adkeeyey Xildhibaan Gavin Williamsin oo mowqifka ay dowladda Ingiriisku ku xidhay Aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay mid ka soo horjeeda dowlad-wanaagga iyo taageerada ay mudan yihiin dadka wax qabsaday.

blank“Haddii aynu nidhaa Somaliland iyo Somalia iyagu arrimohooda ha dhammaystaan, waxa aynu go’aanka kama dambaysta ah iyo awoodda oo dhan gacanta u galinaynaa waddan aanay ka jirin nidaam doorashooyin oo xor ah. Waddan aan lahayn nidaam sharci dajineed iyo mid caddaaladeed,” sidaas ayuu yidhi xildhibaan Gavin Williamsin, waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii aynu sidaa yeelno, waxaynu si toos ah u dhiirri-galinaynaa dawlad-xumada. Kuwii iyagu dawlad wanaagga samaystay ee horumarka iyo qiyamka wanaagsan la yimi oo ay ahayd in aynu garab-istaagnana, waynu curyaaminaynaa”.

Doodda ku saabsan Aqoonsiga Somaliland ee shalay, ayaa noqonaysa markii u horeysay ee hay’adaha Sharci-dejinta ee Ingiriisku miisaan intaas le’eg siiyaan Qadiyadda Somaliland maadaama oo meeqaamka la siiyey iyo doodaha xildhibaannada Baarlamaanka Ingiriiska ee taageerada u muujiyey ay ka mid yihiin Guulaha siyaasadeed Qadiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories