HomeBaarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Saamaynta Uu Dagaalka Ukraine Ku Yeeshay Somaliland

Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Saamaynta Uu Dagaalka Ukraine Ku Yeeshay Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Baarlamaanka ee Boqortooyada Midowday ee UK, ayaa dood ay ka yeesheen saamaynta uu dunida ku yeeshay dagaalka Ukrain iyo Ruushka ku yeeshay waddamo Somaliland ku jirto.

Xildhibaannada ayaa walaac weyn ka muujiyey sida uu Dunida, gaar ahaan Dalalka soo koraya ee Somaliland ka mid tahay waxyeelo uga soo gaadhay Dagaalka Ukrain, ka dib markii uu Ruushku xayiraad saaray Raashinkii yaallay Dekedaha Ukrain ee dunida loo iib-geyn lahaa, arrintaasi oo sababtay Sicir-barar dunida saameeyay, si gaar ahna Geeska Afrika ka abuuraya Gaajo.

Xildhibaan Lord Stuart Polak oo ka mid ah Xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska, oo doodda uu arrintan Baarlamaanku ka yeeshay ka qayb-qaatay, ayaa sheegay in Somaliland oo aan aqoonsi haysan ka mid tahay dalalka soo koraya ee uu sida tooska ah u saameeyay Dagaalka Ukrain, gaar ahaan Raashinkii uu Ruushku xanibay ee Sicir-bararka ka abuuray Somaliland iyo dunida inteeda kaleba.

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay In Somaliland aanay awood u lahayn Inay iska caabido cunto yarida uu sababay dagaalka ka socda Ukrain, sidaa darteed loo baahan yahay in taageero toos ah la siiyo, si ay adkaysi ugu yeelato khatarta ka dhalanaysa Cunto yaridaasi “Somaliland waxay ku guul-daraysatay inay hesho 20% ka mid ah gargaarka Caalamiga ah, sababtoo ah lama aqoonsana, sidaa darteed way wanaagsanaan lahayd Somaliland oo aqoonsi haysataa, si ay uga samato-baxdo Gaajada ka dhalanaysa xayiraadda Ruushka ee Raashinkii yaallay Dekedaha Ukrain..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Haddii Somaliland haysan lahayd aqoonsi, toos bay u heli lahayd gargaarka, si ay dadkeeda uga difaacdo Gaajada..”

Xildhibaanku wuxuu Mudaneyaasha Baarlamaanka UK iyo Dawladaha kale ee Caalamka u soo jeediyey in xil la iska saaro Somaliland, si dadkeedu uga samato-baxaan gaajada iyo Macaluusha uu keenayo dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukrain.

Ukraine ayaa ah dalka ugu baadan ee soo saara raashinka firileyda ee ay ku tiirsan yihiin dalalka aan wax soo-saar fiican lahayn Ka soo iibsadan jiray, balse dagaalka ka socda dalkaas, ayaa sababay inuu gebi ahaan xannibno marinkii dhinaca badda ee ay adeegsan yihiin maraakiibta lagu soo guro raashinka, kaddib markii dalka Ukraine oo ka cabsi qaba maraakiibta dagaalka ee Ruushka ay miinooyin ka buuxiyeen Xeebaha badda madow ee Ukraine.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Ruushka iyo Ukrain, waxa dunida soo waajahday cunto-yari, taasi oo horseedday in qiimaha Raashinka Quutal-daruuriga ahi uu aad sare ugu kaco, taasi oo Somaliland-na la qabto dunida inteeda kale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories