HomeBaarlamaanka Ingiriiska oo ka hadlay Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo Go’aankii ka soo...

Baarlamaanka Ingiriiska oo ka hadlay Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo Go’aankii ka soo baxay Golaha Deegaanka Sheffield

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

London (SLpost)- Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa shalay laga soo jeediyey in Xukuumadda dalkaasi kaalin weyn ka qaadato sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahayd aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho, isla markaana waxa la soo jeediyey in Salaasada toddobaadkan su’aalo ku saabsan meel-marinta aqoonsiga Somaliland la weydiiyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee dawladda Britain.

warka labaadWakiilka Baarlamaanka u metela Xukuumadda Ingiriiska, ayaa sheegay inuu qabo, isla markaana uu soo jeedinayo in su’aasha ku saabsan aqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland la weydiiyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dawladda Boqortooyada Ingiriiska, si uu uga jawaabo aragtida Xukuumaddu ka qabto tallaabada ay Arbacadii aqlabiyadda ku ansixiyeen Golaha Deegaanka magaalada Sheffeild oo si buuxda u taageeray aqoonsi ay Somaliland hesho.

Xildhibaan Paul Blomfield oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, lagana soo doorto magaalada Sheffield oo ka hadlay aqalka Odeyaasha Ingiriiska, ayaa sheegay, “Arbacadii, ka dib qaraar ay ansixiyeen Golaha Deegaanka Sheffield, oo noqday magaaladii ugu horreysay ee taageerta aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho, shacabka Somaliland-na ay sameeyeen horumar ballaadhan, Baarlamaan iyo garsoor  Mdax-bannaan. Miyaanay habboonayn inaan ka doodno sidii Xukuumadda Ingiriisku wax badan uga qaban lahayd inay ku dhiirriso beesha caalamka, si loo helo aqoonsiga Somaliland?”

Xildhibaan Andrew Lansley oo ah Wakiilka Xukuumadda Ingiriiska ee aqalka Odeyaasha, oo ka jawaabayey soo jeedinta Xildhibaan Blomfield, ayaa yidhi; “Dhab ahaan, waan la socdaa arrinka uu Xildhibaanku ka dhawaajiyey. Waxaan qabaa inuu haysto fursad uu ku weydiiyo Wasiirrada, wakhtiga su’aalaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka Salaasada soo socota. Sidoo kale, Xildhibaannada xiisaynaya Somaliland iyo Soomaaliya, dhinaca kale, gaar ahaan waan soo dhoweynayaa horumarka Somaliland ku tallaabsatay sanmadihii u dambeeyey.”

Su’aashan ku saabsan ictiraafka Somaliland ee shalay lagu soo qaaday Baarlamaanka Ingiriiska iyo jawaabaha laga bixiyey, ayaa ka dhigan mid qaraarkii Sheffield saamayntiisii wakhtigan muuqanayso, iyaga oo Xildhibaannada Golaha Deegaanka magaalada Sheffeild ay Arbacadii inna dhaaftay si aqlabiyad ah u ansixiyeen in Xukuumadda Ingiriisku taageert aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho, iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories