HomeBaarlamaanka Ingiriiska oo ka Doodaya in Dalkooda Laga Mamnuuco Murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga...

Baarlamaanka Ingiriiska oo ka Doodaya in Dalkooda Laga Mamnuuco Murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dood ka yeelanaya Isniinta beri cod ay saxeexeen in ka badan 5,000 (shan kun) oo qof, kaasoo lagu dalbanayo in waddanka UK laga mamnuuco murrashaxa cunsuriga ah ee ka dhex loolamaya xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Mr. Donald Trump.

Sida lagu baahiyey boga internet-ka ee telefishanka Al-jazeera oo wargeyska Maankaab soo xigtay xalay, mudanayaasha baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska (UK), ayaa u ballansan inay ka doodaan in murrashaxa ugu cadcad jagada madaxweynenimo ee xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga dalka Maraykanka loo diido inuu wax safar ah ku tago gudaha waddanka Ingiriiska inta noloshiisa ka hadhsan, iyadoo lagu haysto hadal cunsuri iyo nacayb ah oo uu ku sheegay in dadka muslimiinta ah laga joojiyo inay galaan dalka Maraykanka, arrintaasoo si weyn looga cambaareeyey guud ahaan caalamka.

Sharciga u yaal dalka Ingiriiska, ayaa waajibinaya in baarlamaanku dood ka yeelan karo codsi kasta (petition) ay saxeexaan muwaadiin dalkaas u dhalatay oo tiradoodu gaadhayso 100,000 (boqol kun) oo qof, balse, dadweyne gaadhaya ilaa 573,149 (shan boqol, saddex iyo toddobaatan kun, boqol, afartan iyo sagaal) qof, ayaa saxeexay codsi ay ku doonayaan in murrashaxa xisbiga Jamhuuriga laga mamnuuco dalka Ingiriiska.

Qaar ka mid ah dadka Ingiriiska ah ee codsigaas saxeexay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in dalabkoodii gaadhay baarlamaanka UK, isla markaana mudanayaashu dood ka yeelanayaan, iyadoo baarlamaanku diidi karaan ama taageeri karaan codsigooda la xidhiidha in murrashaxa Jamhuuriga ee dalka Maraykanka laga joojiyo inuu galo Ingiriiska.

Hasayeeshee, waxay sheegeen in go’aanka dadweynuhu cadyahay, kuna muujiyeen in aan marna la ogolaan qof ay afkiisa ka soo baxaan hadalo ku salaysan cunsuriyad, nacayb iyo jinsi-cayba, waxayna dadka codsiga saxeexay aaminsan yihiin inay waajibkooda guteen mar haddii dalbkoodii gaadhay baarlamaanka, doodna laga yeelanayo wax kasta oo natiijadu ku dhammaatana ogolaan doonaan.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa cambaareeyey hadalka ka soo yeedhay murrashaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, balse waxa uu ku dooday in aanu taageersanayn in siyaasigaas laga mamnuuco waddanka Ingiriiska, iyadoo siyaasiyiinta dalkaasi ku kala aragti duwan yihiin go’aanka laga qaadan karo ninka cunsuriga ah ee ku baaqay in dadka muslimiinta ah loo diido Maraykanka.

Xigasho Maankaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories