HomeBaarlamaanka Ingiriiska oo ka digay halis ka dhalan karta Lacagaha Somaliland loo...

Baarlamaanka Ingiriiska oo ka digay halis ka dhalan karta Lacagaha Somaliland loo soo diro iyo Jawaabta Xukuumadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Baarlamaanka waddanka Ingiriiska, ayaa ka digay halista iyo khataraha Dhaqaale iyo Ammaan ee ka dhalan kara Lacagaha Somaliland iyo dalalka dunida saddexaad ay u soo diraan Qurbo-jooggooda ku dhaqan Britain haddii aan loo helin lacagahaasi dariiqyo sharci ah oo ay maraan, ka dib markii Baanka Barclays go’aan ku gaadhay inuu xidho Xisaabaadkii ay ku lahaayeen Xawaaladaha Soomaalida iyo kuwo kale-ba.

British MPHase-yeeshee, Xukuumadda Ingiriiska, ayaa ka hadashay siyaasadda ay ka leedahay Lacagaha loo soo diro dalal ay Somaliland ku jirto ee Qurbo-jooggooda u dhashay dib ugu soo diraan Eheladooda iyo Asxaabtooda, ka dib markii dood arrintan ku saabsain Arbacadii shalay ka dhacday xarunta Baarlamaanka Britain.

Xildhibaan Rushanara Ali oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo ka hadlaysay saamaynta Lacagaha la diraa leeyahiin, ayaa tusaale u soo qaadatay Somaliland oo ay sheegtay inay dedaal ugu jiraan sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen dalkooda,  lagu naanayso Jasiiradda Xasilloon oo ku taal gobol muddo badan colaado soo aafeeyeen.

Xildhibaan Rushanara, ayaa sheegtay in Qurbo-joog badan oo ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland ay ku sugan yihiin waddanka Ingiriiska, isla markaana ay ku nool yihiin Xaafadda laga soo doorto ee ee magaalada London dedaal ugu jiraan sidii ay ugu diri lahaayeen dariiqyada sharciga ah lacago ay ku taageeraan dadkooda oo wax ka tara dib-u-dhiska dalkooda iyo nolosha qoysaskooda ay dalkooda kaga tageen.

“Wixii ka dambeeyey June 2013-dii, markii Baanka Barclays ku dhawaaqay inuu joojinayo shaqada Xawaaladaha waxaan bilaabay inaan olole u galo sidii Baarlamaanku u taageeri lahaa helitaanka dariiq habboon, ilaa wakhtiganna 50 Xildhibaan ayaa fikirkaa ila qaba.” Sidaa ayay tidhi Xildhibaan Rushanara Ali.

Xildhibaan Rushanara waxay ka digtay in haddii la waayo xal deg-deg ah. “Haddii la waayo xal deg-deg ah, Muwaaddiniintu iyagaa raadsan doona dariiqyo ay ku caawiyaan ehelkooda Somaliland, taasoo halis u ah in Lacagahooda la dhaco, innagana innagu keeni karta culays dhaqaale, Bani’aadminnimo iyo mid ammaan-ba.” ayay tidhi Xildhibaan Rushanara.

Wasiirka Dhaqaalaha dalka Ingiriiska Andrea Leadsom, oo ka hadashay Siyaasada Xukuumadda ay ka tirsan tahay, ayaa sheegtay inay ku hawlan yihiin sidii loo abuuri lahaa daqiiqyo sharci ah oo Qurbo-joogga deggan Ingiriisku ugu diri karaan Lacagaha ehelkooda iyo saaxiibbadooda waddamada soo koraya.

“Waxaan caddeynayaa in Xukuumadda Ingiriisku diyaar u tahay samaynta wax kastoo aan ku xaqiijin karno sidii Lacagaha la diro u sii socon lahaayeen iyagoo maraya dariiqyo sahlan oo ammaan ah.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Dhaqaalaha ee dawladda Ingiriisku Andrea Leadsom.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories