HomeBaarlamaanka Ethiopia oo ku baaqay in Xidhiidhka loo Jaro Maamulka gobolka Tigray...

Baarlamaanka Ethiopia oo ku baaqay in Xidhiidhka loo Jaro Maamulka gobolka Tigray ee dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Addis Ababa (SLpost)- Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar soo jeedinaya in Dowladda Federaalka xidhiidhka u jarto hoggaamiyeyaasha gacanta ku haya gobolka Tigray ee Woqooyiga dalkaas, kaddib khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay dib u dhaca ku yimi doorashooyinka.

Go’aankan ayaanu micnihiisu ahayn in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa iyo gobolka Tigray uu gebi ahaanba meesha ka baxay, balse dowladda Dhexe ayaa la sii shaqeyn doonta maamullada hoose ee gobolka sida maayarrada iyo xildhibaannada deegaanka oo la siinayo kaabka miisaaniyadda ee adeegyada aasaasiga ah ee gobolku u baahan yahay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaraar ka soo baxay Aqalka Sare ee dalkaas uu ku laalay doorashooyin-goboleedkii uu qabsaday gobolka Tigray 9-kii bishii September oo lagu tilmaamay inay ahayd mid sharci darro ah.

Xisbiga TPLF ee ka taliya gobolka Tigray ayaa muddo-xileedka loo dheereeyay xukuumadda Ra`iisal Wasaare Abiy Axmed oo ku ekeyd 5-tii bishan October ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyagoo intaas ku daray in gobolku aanu ka amar qaadan doonin dowladda Federaalka.

Xisbiga TPLF ayaa u yeedhay xubnaha kaga jira dowladda. Afhayeenka Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ku hanjabay in ciidamo ka socda federaalka loo diri doono gobolka.

Doorashada Itoobiya ayaa loo muddeeyey inay qabsoonto bisha September ee sanadka soo socda.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories