HomeBaarlamaanka Canada Oo Bilaabay Olole Dhaqaale loogu ururinayo Suuqa Waaheen iyo Somaliland...

Baarlamaanka Canada Oo Bilaabay Olole Dhaqaale loogu ururinayo Suuqa Waaheen iyo Somaliland oo ka hadashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxa aan dawladda u gudbin doonaa su’aal qoraal ah oo ku saabsan Xidhiidhka Canada iyo Somaliland iyo taageerada dib u dhiska Suuqa Hargeysa”

Ottawa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Canada, ayaa kulan la qaatay isbahaysi ay ku midoobeen jaaliyadda Somaliland oo ku hawlan taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo ku shuf-beelay dab xooggan oo qabsaday suuqaas 1-dii bishan April.

blankGuddigan oo lagu magacabay Isbahaysiga Canada ee Dib-udhiska Suuqa Waaheen, ayaa shalay iyo maanta kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaan Marie-France Lalonde iyo mudane Garnett Genuis oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Canada.

Xildhibaan Marie-France Lalonde oo laga soo doorto magaalada Orléans oo ka tirsan Gobolka Ontario, ayaa Salaasadii shalay kulan qaadatay Guddi ka kooban Jaaliyadda Somaliland iyo muwaadiniin u dhashay dalka Canada, kuwaas oo isu-xil-qaamay olole taageero dhaqaale loogu ururinayo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Waxa ay xildhibaanku sheegtay inay arrimo muhiim ah oo ku saabsan taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen kaga hadleen kulankaas, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

“Sharaf bay ii tahay inaan la kulmo madaxda jaaliyadda Somaliland oo aan ka-wada-hadalnay Caqabada soo wejahay Somaliland kaddib gubashadii Suuqa Hargeysa,” sidaas ayay tidhi xildhibaan MF Lalonde oo intaas ku dartay inay arrimo muhiim ah ka-wada-hadleen Guddiga Canadian Alliance to Rebuild Hargeisa Market.

Sidoo kale, Xildhiban Garnett Genuis oo maanta la la kulmay Guddiga jaaliyadda Somaliland ee isu-xil-qaamay taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen, ayaa ballan-qaaday inuu Dowladda Canada u gudbin doono warbixin ku saabsan xidhiidhka labada waddan iyo sidii Dowladda dalkaasi uga qayb-qaadan lahayd taageerada Dib-u-dhiska Suuqa ugu weyn Somaliland.

Mudane Garnett oo laga soo doorto degmada Sherwood Park ee gobolka Alberta, ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

“Sharaf bay ii ahayd inaan la kulmo Guddiga Dib-u-dhiska Suuqa Hargeysa. Waxa aan dawladda u gudbin doonaa su’aal qoraal ah oo ku saabsan Xidhiidhka Canada iyo Somaliland iyo taageerada dib u dhiska Suuqa Hargeysa,”sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Garnett.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd, ayaa bogaadiyey Guddiga Jaaliyadda Somaliland ee Canada ee dalkaas ka bilaabay ololaha dhaqaalaha loogu ururinayo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Dr Ciise Keyd oo ah muwaadin haysta dhalashada dalka Canada, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan uga mahad-celinayaan dowladdaCanada taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

“Waxaan aad ugu hanweynahay jaaliyadaha reer Somaliland ee hormuudka ka ah qaadhaan ururinta. Waan ka mahadcelineynaa taageerada Canada,” sidaas ayuu Wasiir Ciise Keyd ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories