HomeBaarlamaanka Burundi Oo Ka Soo Horjeestay In Dalkooda Ciidamo Nabad Ilaalin Ah...

Baarlamaanka Burundi Oo Ka Soo Horjeestay In Dalkooda Ciidamo Nabad Ilaalin Ah La Keeno

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burundi(SLpost)-Baarlamaanka dalka Burundi ayaa ka hor-yimi in ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika dalkooda la keeno, iyadoo tani ay imaanayso xilli xukuumadda dalkaas ay iyaduna horay uga digtay in ciidammo la keeno dalkooda iyadoo aan ogolaasho laga haysan.

Xildhibaannada dalka Burundi ayaa ku tilmaanay fara-gelin qorshaha Midowga Afrika uu ku sheegay toddobaadkii hore inuu 5,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah Burundi u dirayo, si ay u ilaalinayaan dadka rayidka ah.

Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Burundi ayaa ugu baaqay Xukuumadda dalkaas inaysan Midowga Afrika gacanta u gelin madax-bannaanida dalka Burundi, waxaana lagu macneeyay middaas inaanay dowladdu ogolaan in ciidammo nabad-ilaalin ah Burundi la keeno.

“Burundi waa nabad,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Burundi, Pascal Nyabenda, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee CNDD-FDD. Isagoo intaas ku daray. “Waa xaqiiqo in xaafado yar oo ka mid ah magaalada Bujumbura. Sidaas darteed uma baahin ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika.”

Mudanayaasha baarlamaanka Burundi ka tirsan ayaa iyagana ku eedeeyay waddamada reer galbeedka ah inay buunbuuninayaan rabshadaha ka jira dalkooda; iyagoo sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Burundi ay suuro-gal tahay inuu ka dhaco xasuuq.

jimcihii lasoo dhaafay ayay 54-ka xubnood ee ururka Midowga Afrika waxay isku raaceen in 5,000 oo askari loo diro dalka burundi , si ay u difaacaan dadka shacabka ah, isla markaana looga hor-tago inay rabshaduhu sii xoogeystaan.Laakiin, ku xigeenka afhayeenka madaxtooyada waddanka Burundi, Jean-Claude Karerwa oo warbaahinta la hadlay Axaddii ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka dowladda Burundi uu cad yahay, aysanna ogolaan doonin in ciidammo ka socda Midowga Afrika dalkooda la keeno.

“Haddii ururka Midowga Afrika uu ciidan keeno Burundi, isagoo aan wax ogoalasho ah ka haysan xukuumadda Bujumbura, taasi wuxuu micnaheedu yahay duullaan lagu soo qaaday Burundi, xukuumadduna waxay qaadan doontaa tallaabo ay ciidamadaas uga hor-tagayso,” ayuu Jean-Claude Karerwa hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi, Alain-Aime Nyamitwe ayaa u sheegay War-fidiyeenka Isniintii shalay ka hor goa’anka Baarlamaanka dalkaas, in xukuumaddu ay kalsooni buuxda ku qabto in ciidamada amniga dalkeedu ay howshooda qabsan karaan.

Magaalada Bujumbura ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay waxaa ka socday rabshado uu dhiig-badani ku daatay, kuwaasoo lagu dilay in ka badan boqolaal ruux, kuwo kalena ay ku barakaceen.Ugu dambeyntii, toddobaad ka hor ayay ahayd markii waddooyinka magaalada Bujumbura laga helay maydadka ugu yaraan 87-qof oo isugu jiray ciidammo iyo shacab, kuwasaoo ku dhintay isku-dhacyo ka dhashay weerarro lagu qaaday saldhigyo ay millateriga dalkaas ku leeyihiin duleedka Bujumbura.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories