HomeBaaqaygu waa Ha barooran Aakhiro! W/Q: Guuleed Cumar Madar (Q:3aad)

Baaqaygu waa Ha barooran Aakhiro! W/Q: Guuleed Cumar Madar (Q:3aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guuleed cumar MadarInaynu nahay addoomo ilaahay waynu wada ogsoonnahay balse waxa aad moodaa inaynaan hayn waddadii aynu ku xaqiijin lahayn adoonnimada alle (S.W.T), waqtigeeniiba waxa aynu ku qaadanay inaynu daba orodno magac , hanti ,iyo wax aan waxba inoo tarayn maalinta ay qorraxdu kulushahay ee dhididku hoorayo qof wal oo maalintaasi sugayso.

Waxa aad jeceshay inaad noloshan adduunyo ee gaaban aad ku noolato nolol dhandhan leh , aakhirana aad ku raaxaysato daarta lagu waarayo ee jannada.

Qofka cabsi hayso ee ka walwalsan naarta uu alle (S.W.T) inooga digay ee raba inuu ka nabad galo dhibaatada maalinta gabo-gabada aduunka kuna raaxaysto daarta lagu waarayo ee jannada ,waxa aad dhugataa waxyaabaha nabigeenii (N.N.K.H) uu inoo sheegay inay kuu horseedi karaan inaad jannada waaritaanka ku gasho.

Walaalkayga/walaashayda. muslinka ah waxa jira ilaa lixdan waxyaabood oo sodon (30) ka mida waxyaabahaa oo kuu horseedi kara jannada alle(S.W.T) waa kuwan ee dhugo walal isku day inaad naftaada ka adkaato oo aad barto lana qabsato oo ay noloshaada ka mid noqdaan.

1- weedha tawixiidka ee ah ( alle (S.W.T) mooyaane ma jiro ilaah xaq lagu caabudaa) inaad rumayso kuna dhawaaqdo waqti wal iyo goob walba.

2- In aad ilaahay (S.W.T) iyo rasuulkiisa(N.N.K.H) aad u hoggaan sanaato wixii wanaag ahna aad fasho.

3- Taqwada iyo alle kacabsiga ilaahay (S.W.T) inaad ku dadaasho.

4- Inaad ku toosnaato diinta ilaahay(S.W.T).

5-inaad ilaahay (S.W.T) iyo nabigeenii muxammad (N.N.K.H) iyo diinteena islaamka aad raali ka noqoto si dhabana u rumayso.

6-Inaad xifdido magacyada alle (S.W.T) ee saggaal iyo saggaashanka magac ah.

7-Inaad jeclaato suurada labo suuradood ka dambeeyaan qur’aanka ee la yidhaa Ikhlaas akhriskeedana aad joogtayso.

8-Inaad akhrisato suurada la yidhaa Tabaarig.

9-Inaad akhrisato salaadaha faralka ah kadib aayatul Kursiga suurada baqra aayadda 255.

10- inaad alle (S.W.T) dartii u dagaalanto kuna geertooyo.

11- In aad alle (S.W.T) u toobad keento.

12- In aad alle (S.W.T) dartii cilmi u doonato.

13- In aad dhisto masjid alle(S.W.T) lagu caabudo.

14- Inaad ku sifaysnaato dhaqan wanaagsan.

15- Inaad ka dheeraato istuska bini-aadamka .

16- Inaad ka dhawsanaato beeta xataa kaftankeeda.

17-Inay markasta waysadu kuu dhawrnaato , markastoo aad wayso qaadatana aad laba rakcadood alle (S.W.T) dartii u tukato.

18- Inaad tagto masaajidka si aad u soo gudato salaadaha faralka ah kana soo noqoto.

19-Inaad badiso ilaahay (S.W.T) dartii inaad u sujuudo.

20- Inaad aado xajka ood soo gudato hadii aad awoodo.

21- salaanta islaamka inaad faafiso,masaakiintana quudiso,qaraabadana aad xidhiidhiso, habeenkii dadku iyagoo hurdana aad salaatu layl tukato.

22-Inaad run sheeg noqoto ,balantana aad oofiso, ammaanadana aad siday tahay u guddo, xubintaada tarankana aad ilaaliso ,indhahaagana aad ka ilaaliso inaad ku fiiriso xaaraan , gacantaadana aanad wax ku dhibin .

23- Gabadha muslimada ah haddii ay salaadaha faralka ah gudato , ramadaantana ay soonto , xubinteeda tarankana ay ka adkaato, saygeedana ay u hogaansanto wixii aan macsi ahayn.

24- Inaad 3 hablood ama walaalahaa aad barbaariso taageertana adoo ilaahay (S.W.T) kaga cabsana aad wanaag ku barbaariso ilaalisana.

25- Inaad kafaalo qaado agoomaha.

26- Inaad alle (S.W.T) dartii u soo booqato dadka ama qof xanuunsanaya.

27- Inaad u samirto alle (S.W.T) dartii hadii aad waydo nimcada laxaadka indhaha.

28- Inaad alle (S.W.T) dartii u tukato habeenkii iyo maalintii 12 rakcadood.

29- Inaad badiso xuska alle (S.W.T) marwalba , subxaana laah , alxamdulillaah , allaahu akbar .

30- Inaad afartan casho (40) salaadaha faralka ah aad ku tukato jamac masjidka ah.

Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu dhamaanteen ina waafajiyo wanaagyadaa inoo horseedi kara inaynu ilaahay uugu dhawaano lagana yaabaa inay inoo horsedaan inaynu daarta waaritaanka ee jannada galno .

Ilaahaybaa mahadleh.

 

Qalinkii: Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories