HomeBAAQ Muwaaddin - W/Q: Amb Cali Aadan Cawaale

BAAQ Muwaaddin – W/Q: Amb Cali Aadan Cawaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ASC Ummaddayda reer Somaliland,

Muwaaddin kasta oo ay ku weyntahay qaddiyadda dalkiisu tii ku dhici lahayd weeyee caawa aniga oo salaaddii cisha ku jira ayaa waxa igu soo dhacday Fikir ah inan BAAQ shakhsi ah u diro dadkayga reer Somaliland madax iyo muwaaddinba. 

Markii shaydaankaan iska naaaray laakiin guriga markii aan soo gaadhay baan arrinkii dib u xusuustay oo go’aansaday inaan BAAQ kooban diro aniga oo naftayda mooyee aan cid ku metelin, waana kan:

Ali Aden AwalehRabbow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin.

Walaalayaal,
Markaynu eegno xaaladda maanta Geeska Africa guud ahaan marayo iyo siyaasadda dawladda cusub ee Ethiopia ka dhalatay ee sida cad uga hor imanaysa madaxbannaanida Somaliland, waxa reer Somaliland dhammaanteen innagu waajib ah arrimo door ah oo ay kamid yihiin:
1- Inaynu isla qirno inay xaalad siyaasadeed oo adagi dalkeenna la soo daristay.
2- Inay tahay mid ku timid isbeddel xagga ALLA ka yimid oo aynaan sababtiisa innagu lug ku lahayn.
3- In qarannimadeennii 27 jirka ahayd markii u horreysay ciddii aynu aqoonsiga ka filaynay si cad u deedifeysay.
4- Inay lama huraan tahay inaynu isku tashanno.

Haddaba fikirkayga yar waxan BAAQ ugu soo jeedineyaa Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha 2da xisbi qaran iyo masuuliinta kale ee dalku inay ummadda tusaan hoggaamin waayeelnimo, walaalnimo iyo qarannimo hagayso oo lagu wajaho duruufahan adag ee khatarta ku ah jiritaankeenna qaran.

Haa waa xaalad adag oo ina soo wajahday, balse waxa dhici karta inaynu kuba faa’dno haddii aynu la nimaad maskaxo furan oo u heellan ilaalinta qaranimadeena oo haddii ay galbato alla kama dhigee aynu ku wada caano waayeyno.

Haddaba waxan u soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye xisbi qaran inay waqtigan iska illaawaan khilaaf kasta oo dhexdooda jira, una tafo xaytaan dhismaha Somaliland isku duuban oo mucaarid iyo muxaafid wadajirta. si taa loo helo waa:
1- Inay degdeg isugu yimaaddaan oo ka wada hadlaan khilaafaadka ay hadda ku kala maqan yihiin 3da masuul iyagoon guddiyo diran balse fool ka fool u wada hadlaya, kuna heshiiyaan wax danta guud u adeegaya.
2- Inay meel isla dhigaan arrinta Komishanka iyo arrimaha kale ee ku xidhiidhsan sida saami-qaybsiga iyo muddaynta doorashada.
3- Madaxweynaha oo ah hoggamiyaha qaranka waxan u soo jeedineyaa inu muujiyo dedaal, xammil iyo maarayn bisil oo ay mar walba hagayso danta guud ee QARANKU.
4-Guddoomiyeyaasha mucaardku waa kuwii filayey inay madaxweyne noqdaan ee aan Alla qaderine waa inay iyana waayaha siyaasadeed ee mandaqadda ka jira iyo danta guud dartood ugala shaqeeyaan madaxweynaha wadajirka shacabka iyo dalka una heellanaadaan wixii dan qaran ah ee lagaga bedbaadayo goldaloolooyin cadawgu innaga helo.

Ugu dambayn waxan Maxadweynaha iyo Madaxda asxaasbta mucaaridka-ba u soo jeedinayaa inaanay 7da xubnood ee Komishanka doorashooyinka dalkeena iyo nidaamka xisbiyada badan ee aynu qaadannay u burburin ee ay xal keenaan.

Dadweynahana waxan ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay aaminaan halhayska ah SOMALILAND HORTA (Somaliland first) oo iska diidaan kuwa shaydaanku horsocdo ee kala qaybinteenna ku foogan.

Allaha weyni tubta toosan innaga iyo madaxdeennaba ha waafajiyo.

   

Ammaana ALLA,
Amb Cali Aadan Cawaale 
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories