HomeBaaq ku wajahan Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Baaq ku wajahan Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

baaqLaf-dhabarka dhaqaalaha Somaliland waa xoolaha nool, taasi awgeed waxay mudanyiin in shacab iyo xukuumadba si fiican looga hawlgalo xanaanayntooda, suuq-gayntooda, ilaalinta dhulka ay ku dhaqanyiin iyo horumarinta qaabka dhaqashadooda .

Maalgaliyaasha iyo hawlwadeenada Sanduuqa Horumarin Somaliland aad iyo aad ayay u mahadsanyiin, runtiina waxay wadaan mashaariic horumarineed oo aad u wanaagsan isla-markaana dalka iyo dadkaba faaiidoyin badan u leh, balse maal-mahanba waxa saxaafada iyo hadalhaynta dadwaynaha ku badnaa qaar ka mida mashaariicda ay dhawaan hirgalinayso Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) gaar ahaan kuwa seerayaasha Aroori, Qoolcaday, Gunburaha iwm.

Waxa wali maskaxda shacabka ku jirta dhibtii iyo shaqaaqadii ka dhacday banka Arroori iyo sidda aan wali xal kamadanbays ah loogu helin, waxa kasiiyaab badan in iyadoo aan la bogsiin nabaradii hore mid cusub laga bilaabo Banka Qoolcaday. Miyaa la iloobay taariikhdii iyo dhibtii hore uga dhacday waqtii Xukuumadii Mohamed Siyaad Barre xidhay qaar ka mida Banankan?

Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxaan si adag ugu dhaliilayaa qaabka ay uga hawl-gashay una maamushay mashaariicda seerayaasha dalka, Wasaaradu waxay dalka iyo dadkaba uga masuul tahay Xanaanaynta iyo horumarinta Xoolaheena dhankasta oo ay tahayba, waxase ceeb iyo sharaf darro ugu filan inay ku fashilanto kasbashada iyo fahanka dadka xoolalayda ah eek u dhaqan Bananka aan kor ku xusnay.

Horaa loo yidhi milil korka lagama dhayo, kulama iyo shirarka lagu qabanayo Huteelada Caasimada iyo Magaaloyinka kale ee dalka laguna falanqaynayo mashruuca Seerayaasha waxa ka muhiimsan in loo tago oo lala fadhiisto dadka xoolalayda ah ee degan Bananka si loogu sharxo loona fahansiiyo mashruucu waxa uu yahay qaabka iyo cida ka faaiidaysanaysa iyo waliba cida iyo qaabka loo maamulayo, kadibna iyaga la dhagaysto fikirkooda iyo waayo arragnimadooda arrintan si go,aan midaysan oo dhamaan dhinacyada oo dhan qanciya loo gaadho si sifo salmi ah hawsha lagu wada bilaabo taas ayaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo hawl-wadeenada sanduuqa horumarinta Somaliland.

Masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxaan ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan waxkasta oo waxyeelaynaya amniga iyo nabada dalka iyo dadka, kana dheeraadaan iska horkeenka bulshada xoola dhaqatada ah ee sanadaha badan nabada iyo xoriyada dhaqdhaqaaqa xoolahoda ku naaloonayay, Dhanka kalena ka dhawr sadaan waxkasta oo muran iyo sawir xun ka gudbinaya deeqaha mashaariicda loogu yabooho Somaliland.

Author: Bashe Ali Bedel                                                                  

Email:basheali@outlook.com

Tell: 002522 634425224

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories