HomeBaaq Ka Yimid La-Taliyaha Madaxweynaha Ee Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga

Baaq Ka Yimid La-Taliyaha Madaxweynaha Ee Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

AAN ILAASHANO NABADGELYADA, WADAJIRKA IYO MIDNIMADA.

blank[D]hammaan shacabweynaha Somaliland, gudo iyo debedba, dawladda Somaliland  Golayaal iyo xukuumadba, waxaan u soo gudbinayaa hanbalyo kal iyo laab ah iyo bogaadin la xidhiidha 21 guurada la soo noqoshada qarannimada dalkeena. Waxaan leeyahay 21ka sanadood waayahooda iyo taariikhdooda aynu eegno, si aynu uga tabaabushaysano dhib iyo balaayo dib inoo riixda. Aan ka faa’ideysano qaladaadkii ina soo maray. Aadmigu waa qalad u joog, waxa se kala saaraa waa sida ruuxba uga faa’ideysto. Ruuxa maalin walba qaladkii soo maray ku noqnoqdaa, dabcan waa kan ku sifooba doqonnimo. Haddii taasi dadku u bataanna, qarankaasi waxuu noqdaa qaran doqoniimo qayrkii ka reebto.

Xukuumadda  Madaxweyne Axmed Maxamed, waxay dareemeysa culeyska mus’uuliyadeed ee arrimaha ammaanku leedahay. Waxay mas’uuliyadda guud ahaan leedahay dhacda kasta oo dalkeena xumaan u soo jiideysa cid kasta ha sameysee. Waayo waajib saarani waa inay baajiyaan taas. Waxaa waajibka koowaad ka saran yahay badbaadada dadkeeda naf iyo maalba. Waxayna tacsi, tiiraanyo iyo murugaba la wadaageysaa cid kasta oo ku nafweyda dhacdo kasta. Waxay ka xuntay ooy aad uga damqatay in askar waajibaadkooda gudanaa iyo shacbi ay ku naf waayaan  dhacdooyinkii dhawaan Hargeysa ka dhacay.

Waxa ayaan-darro ah in arrin dacwad iyo maxkamad loo mari karo inay ka dhalato isku dhac hubaysani. Shacbigu waa inuu ogaadaa, hadday ku qanci waayaan fal iyo arrin ay xukuumaddu daraf ka tahay siiba arrimaha dhulka inay xukuumadda ka dacweyn karaan maxkamadaha dalka. Una mari karaan habka dadka dhulka isku haystaa u maraan.

Weli meynaan maqal muwaadin dacwadiisa geeyey maxkamad uu ku dacweynaayo wasaarad amba hay’ad uu dhib iyo dheef ka tirsanaayo.

Waxa bannaan in sida muwaadiniintu dacwadaha dhulka uga furtaan maxkamadaha ay ka furan karaan mid lid ku ah xukuumadda laamaheeda tan deegaan iyo tan dhexeba. Shacbigu ha barto inay hay’adaha xukuumadda iyo wasaaradahaba dacweyn karaan. Halkaad hub qaadanayso, qaado gal dacwadeed. Maxkamadahana waxa la gudboon inay dhexdhexaad ka noqdaan ooy gutaan waajibka ay u dhaarteen, ooy u arkaan dacwadda lidka ku ah xukuumadda mid la mid ah tan ay maalin walba dadweynaha u qabtaan. Waa sida sharcigeenu qabo, waana tan baajinaysa in maalin walba dhiig aan loo baahnayn qubto iyo khasaare maal iyo noolba leh. Xukuumaddu waxay balan qaadaysaa fulinta gu’aamada maxkamadaha xataa hadday lid ku tahay go’aan ka soo baxay laamaha xukumadda. Waxaynu nahay qaran dimuquraadi ah, dastuur sameystay iyo qawaaniin ilaalinaysa xaqqa iyo sinnaanta muwaadinka. Xukuumaddu waxay aaminsantay in qalad iyo gef ka dhici karo, oo ma aha xukuumad macangag ah ee waa mid garwaaqsan in qaladkeeda la saxo iyo in xukun maxkamadeed joojin karo go’aamadeeda. Waa xukuumad ku timi sifo sharci ah, dimuquraadi ah, iyo rabitanka dadweynaha. Sidoo kale waxa waajib saran yahay in muwaadinkuna ajiibo oo uu aqbalo go’aamada ay gaadhaan maxkamadahu. Waa sifaha iyo waxa lagu garto qaran sharcigu xukumo, sharcigu ka sareeyo qof kasta xaakim iyo maxkuumba. Waana mid baajinaaya qas iyo qalalaase bulshada dhex mara.

Waxa iyana waajib ah in la ixtiraamo hay’adaha amaanka, oo loo arko in askartu tahay, kuwa ilaalinaaya nabadda, kuwo u soo jeeda habeenkii, qarafaha iyo duurka ku noolaada iyagoo ka durugsan ehelkooda. Iyana waxa la gudboon dulqaad, iyo dhab adeeg ay ku hantaan waajibaadkooda qaran. Wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshadu waa badbaadada bulshada, kala-xidhiidh-furkooduna waa mid horseedi karta qas iyo qalalaase.  Aan ixtiraamno cidda naftooda u hurtay daafaca iyo ilalinta qarannimada dalkeena.

Marxaladda aynu maraynaa waa mid u baahan xigmad, aqoon iyo waayo-aragnimo, xilkasnimo iyo daacadnimo ay weheliso geesinimo lagu yahay ilaalinta sharciga, bal se aan ka taganayn dulqaad iyo naxariista inta qaladanta ee gefkoodu yahay garasho la’aan iyo meel-dhow-eeg.

Aan noqono ummad aan kala aar goosan, is cafida, isu caqli celisa, ninka qaldan wax u sheegta, hadduu joogsan waayana gacanta qabta oo sharciga mariya. Yaan qalad qalad lagu sixin, ee caqligu ha taliyo. Wax walbana ha laga hormariyo nabadda guud, wadajirka iyo midnimada bulshoweynta, taas ayeyna dhib kasta kaga gudbaynaa, kuna noqonaynaa qaran ka fog kuwa lagu sifeeyo doqoniimada.
Alle hayna garansiiyo cadaaladda iyo macaanka nabaddu leedahay. Alle haynagu toosiyo dariiqa xaqqa ah iyo tubta toosan. Amiin

Ahmed Hassan Arwo

Eci.advisor@gmail.com

http://www.facebook.com/groups/SLFIRST/

http://samotalis.blogspot.com/

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories