HomeBaaq ka soo baxay kulamo dhexmaray Ururka Somaliland Society UK iyo Qeybaha...

Baaq ka soo baxay kulamo dhexmaray Ururka Somaliland Society UK iyo Qeybaha Bulshada jaaliyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank‘Kulamo goos goos ah oo Gudida Somaliland Society UK “SSUK” la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada qurbajooga Somaliland ee ku dhaqan UK: sida waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka, dhalinyarada iyo qeybo kaloo ka tirsan bulshada, waxaay dhamaan isku raaceen qodobadan hoos ku xusan;

  1. UK oo aheyd bartii laga aasaasay dib u xoreyntii Somaliland, dib u dhiskii iyo kobcintii dimuqraadiyada ka hanaqaaday Somaliland ahna xarunta dhaqaalaha ugu badan bulshada Somaliland ka helaan; in waqtigan aynu marayno isku xidhnaantii ,wadashaqeyntii iyo midnimadii  bulshada madmadow ka muuqdo. Arinkaas oo dhaawac weyna ku keeni kara ummada reer Somaliland meel kastooy joogaanba.
  2. In hoos u dhac ku yimi wadajirkii , wax wadaqabsigii iyo midnimadii bulshada Somaliland ee ku dhaqan UK siiba magaalo madaxda London.
  3. In ay soo ifa baxayaan isbarbaryaac, kala daadsanaan iyo kooxo ku hawlan in dantii guud ee bulshada looga faa’iideysto dana gaar ah, oo loo baahanyahay  in laga hor tago oo la xakameeyo  arrimaha ay ka midka yihiin golbolaysi, kooxaysi, qabiil iyo wax  allaale iyo wixii ku keeni  kara bulshada  dhexdeeda kala fogaansho iyo burbur.
  4. In la kala saaro arimaha siyaasada, ururada maxliga ah “ community organazations” xisbiyada,  iyo arrimaha horumarka ee ay ku bahoobaan bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan UK loogana danbeeyo oo loo daba fadhiisto Jaaliyada, loona  daayo cid kasta halka ay bulshada kaga jirto.
  5. In dayac badani ka muuqdo dhamaan dhinacyada bulshada reer Somaliland eek u dhaqan UK siiba dhalinyarada loona baahanyahay sidii arinkaas dhinac looga soo wada jeedsan lahaa.

Intaas iyo qodabo kale oo badan markii la isla arkay waxa guddida SSUK iyo bulshadu isla qaateen:

  1. In loo baahan yahay kulan ay ka soo qeybgalaan dhamaan  bulshada dhinacyadeeda kala duwani.
  2. In laga soo saaro qodobo wax ku ool ah, loona gudbiyo dhamaan inta arrimahaasi khuseeyaan.
  3. In qodobada ka soo baxa la hirgaliyo loona astaameeyo xubno dabagal ku sameeya.

Haddaba guddida Somaliland Society UK waxay ugu baaqayaan dhamaan bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan UK haday yihiin;  oday dhaqmeed, masuuliyiin, xisbiyo, ururo, dhalinyaro, haween iyo waxgaradba  in si wadaninimo,  xilkasnimo iyo sharafi ku dheehan tahay uga soo qeybgalaan shirweyne lagu lafaguri doono arimahaas iyo dhamaan danaha reer somaliland UK.

Madasha iyo waqtiga shirkani dhici doono haddii Alle raali ka noqdo;

Taariikhda; sabtida 17/11/2012

Waqtiga oo noondoona 16:00 ilaa 20:00

Madasha shirka

 Egyptian House,

95 Bloemfontein Road,

White City

London

Wixii macluumaad ah ama faahfaahin ah fadlan waxaad kala soo xidhiidhaan;

Gudoomiyaha SSUK

Mudane Abdala Salim

07957835578

barwaaqosoor@yahoo.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories