HomeBaanka Dhexe Oo Soo Saaray Awaamiir Lagu Xakamaynayo Sicir-bararka Shilinka Somaliland

Baanka Dhexe Oo Soo Saaray Awaamiir Lagu Xakamaynayo Sicir-bararka Shilinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maamulka sare ee Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aamo ku socota Sarrifleyaasha Dalka qaarkood, kuwaasi oo baalmaray Qiimaha Sarrifka ee Baanka dhexe u jaan-gooyey inay ku sarrifaan Lacagta Dollarka iyo Shilinka Somaliland.

Shir ay Magaalada Hargeysa ku yeesheen Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim iyo Ururka Sarrifleyaasha Dalka, ayaa si Wada jir ah u qabteen Shir-jaraa’id, kaasi oo ay farriin ugu direen sarrifleyaasha baal-maray Qiimaha saxda ah ee Baanku u dejiyey in lagu sarrifo Lacagaha Qalaad iyo Shilinka Somaliland.

Ugu horrayn, Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Maalmihii u dambeeyay soo baxeen Sarrifleyaal Lacagta Dollarka ku Sarrifa Qiimo ka duwan ka sharciga ah oo ah in Boqolkii Dollar lagu Sarrifo 850.000 Shilin (Gacanta hore) Gacanta dambana lagu iibiyo 870.000 kun, sidaa darteed Baanka oo ka war hayaa uu laga bilaabo Maanta Tallaabo Sharciya ka qaadayo Sariiflaha Lacagta ku beddela Qiimo ka duwan kaa sharciga ah ee Baanku jaan-gooyey.

blank“Baanku wuxuu Qiimaha Sarrifka ku ilaalinayaa 8500 (Gacanta hore) iyo 8700 (Gacanta dambe), si shilinkeena Somaliland uu qiimo u yeesho, Ilaahay Mahaddii Qiimihii aanu u joog-goynay ayuu suuquna ku jaan-go’ay,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Qaasim, waxaanu intaa ku daray, “Sidaa darteed, waxaan digniin u dirayaa Dadka ama Meheradaha Ganacsi ee dhibka ku haya suuqa Sarrifka, kuwaasi oo Dadka u xisaabaya Qiimo aan ahayn kii uu Baanku jaan-gooyey, taasi oo keenaysa khalkhal ama nidaam-xumo xagga sarrifka ah. Waxa kale oo intaa dheer in qaar ka mid ah Sarrifleyaashu ay suuq Madow ku sarrifaan lacagaha”.

Agaasimaha guud ee Baanku wuxuu digniin u diray Meheradaha iyo Sarrifleyaasha Baal-mara Qiimaha uu Baanku jaan-gooyey, waxaanu yidhi, “Sarrifleyaasha ama Ganacsadaha lagu arko isagoo isticmaalaya Qiimo ka duwan ka Baanka, Cidday doonto ha ahaato in Tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadayo, Sarriflaha lagu arko Isagoo wax ku sarrifaya Qiimo ka duwan ka Baanku dejiyey waa ballan in Liisanka lagala noqonayo”.

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray in Baanku sameeyay goob ay Dadweynuhu ku soo hagaajiyaan cabashooyinka la xidhiidha Qiimaha Sarrifka ee sharci-darrada ah.

blankWaxa kale oo Madasha ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Sarrifleyaasha Somaliland Barkhaf Cumar Coofiye, kaasi oo soo dhaweeyay go’aammada Maamulka Baanku soo saareen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories