HomeBaanka Dhexe oo Daah-furay Adeeg God Madow Ku Sii Riday Tayada iyo...

Baanka Dhexe oo Daah-furay Adeeg God Madow Ku Sii Riday Tayada iyo Qiimaha Lacagta Noodhka ee Shillinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeeg loo bixiyay E-shilling kaasoo sahlaya in shaqaalaha dawladdu mushaharooyinkooda ku qaataan qaab Electronic ah.

blankDaah-furka Barnaamijkan ayaa lagu shaaciyey Munaasibad ballaadhan oo maanta ku qabsoontay magaalada Hargeysa, taas oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee Baanka Dhexe iyo Guddoomiyeyaasha hay’adda Shaqaalaha dowladda iyo Rugtada Ganacsiga ee Somaliland.

Barnaamijkan oo uu hindihiisa leeyahay Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa lagu sheegay inuu wax badan ka qaban karo adeegga isla xisaabtanka iyo hufnaanta, isla markaana ay fursad u tahay shaqaalaha dawladda ee jooga goboladda dalka oo hal mar ay wada gaadhi doonto mushaharkoodu.

Hirgelinta adeeggan ayaa sii kordhinaya saamaynta uu nidaamka electronic-ga ahi ku leeyahay tayada iyo wareegga Lacagta Noodhka ah ee Shilinka Somaliland oo u muuqda mid meesha ka sii baxaya, iyadoo ay sannadihii u dambeeyey hoos u sii dhacayey Qiimaha Lacagta Noodhka ah ee Shilinka, kaddib markii shirkadaha isgaadhsiinta ee bixiya adeegga lacagaha laysugu xawilo telefoonnadu oo markii hore ahayd Lacagta Dollarka oo kaliya ay sannadkii 2017-kii adeeggooda ku soo kordhiyeen in Lacagta Shilinka laysugu xawilo telefoonada Gacanta.

blankTallaabadaas ayaa meesha ka saartay in gebi ahaanba hoos u dhac ku yimaaddo Wareegga suuqa iyo adeegsiga dadka ee Lacagta noodhka Shilinka Somaliland oo isticmaalkeedu u badatay mid electronic ah ama adeegga Lacagaha laysugu xawilo ama lagu keysado telefoonka gacanta.

Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada ku shaqaysta Isku-beddelka lacagaha iyo Aqoonyahanno Dhaqaalaha ku xeel dheer ayaa aaminsan in adeeggani xaalufinayo isla markaana god madow ku sii ridayo Tayada iyo Qiimaha Isticmaalka ee lacagta noodhka ah ee Shillinka, iyadoo Mushaharka Shaqaalaha dowladdu yahay Isha ugu muhiimsan ee Dhaq-dhaqaaqa lacagta Noodhka ee Shilinka Somaliland, in kasta oo masuuliyiinta Baanka Dhexe oo siyaasadda lacagta dalka u xilsaarani adeeggan ku tilmaamay mid fududaynaya inay shaqaalaha dowladdu si fudud u helaan mushaharkooda.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories