Home“Baanka Dhexe iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay waa inay u dhaqmaan sida...

“Baanka Dhexe iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay waa inay u dhaqmaan sida kuwo ka diiwaangashan caalamka” – Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Baanka dhexe iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ugu baaqay inay adeegyadada ay macaamiisha u qabtaan ka dhigaan qaar la mid ah kuwa Bangiyada Caalamka oo ay qabtaan shaqo kasta bangiyada adduunku qabtaan.

blankWasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagaga doodayey caqabadaha ay maraan lacagaha baahida ganacsi dibedaha loogu diro oo shalay ku qabsoomay Hargeysa, waxaana goob-joog ka ahaa Masuuliyiinta baanka Dhexe ee Somaliland oo kulanka soo qaban-qaabiyey, Wasiirka Maalgeshiga, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudoomiyeyaasha Bangiyada Gaarka loo leeyahay, Ururka Xawaaladaha iyo saraakiil ka ka tirsan shirkadda DP World.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in wax walba ku xidhan yihiin sida waajaho, loogana baahan yahay madaxda bangiyada inay la jaan-qaadaan nidaamyada shaqo ee bangiyada caalamka

“Baanka Dhexe iyo baananka gaarka loo leeyahay waa inay u dhaqmaan sida kuwo ka diiwaangashan caalamka, isla markaana dhamaan adeegyada baananka caalamigu bixiyaan laga helo, si ay kalsooni u abuuraan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

“Inaad la yeelataan xidhiidho wada shaqeyneed bangiyada caalamka waa muhiim, iyo inaad ka shaqeysaan sidii bangiyada caalamiga ee hanaanka Islaamka ku shaqeeya dalka u iman lahaayeen.”

Dhinaca kale, waxa isaguna kulanka hadal ka jeediyey Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo hadal ka jeediyey kulanka, ayaa sheegay in wada-shaqayn iyo xidhiidhka bangiyada adduunku ku xidhan tahay in ugu horeyn gudaha dalka laga abuuro baahi suurto-galinaysa inay yimaaddaan dalka.

“Haddii aynu dunida u abuurno baahi, waa la aqbalayaa, markaa iyadoon la dhaafayn shuruucda iyo xeerarka caalamka u yaala aynu qorshayaal diyaarsanno,” ayuu yidhi Wasiirka Maalgashiga oo intaas ku daray in jiritaan la’aanta bangiyo caalami ah oo dalka ka shaqeeya ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla maalgeshi caalami ah oo ka hirgala gudaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories