HomeBaanka Dhexe Ee Somaliland Oo Suuqa Geliyey Lacago Doollar ah oo lagula...

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Suuqa Geliyey Lacago Doollar ah oo lagula Tacaalayo Qiime-bararka Sarrifka lagaha Qalaad

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe Ee Somaliland, ayaa Qaaday Tallaabooyin uu kula Dagaalamayo Qiimo korodh ku Yimi Lacagta Dollarka oo ayaamahanba Hargeysa si weyn Looga Dareemayey.

daan 2Baanka ayaa si uu Hoos ugu dhigo Qiimaha Lacagta Dollarka oo Dadka Dhibaato ku Haysay, waxa uu Suuqa Dhexe Keenay Gaadhi ay Saaran tahay Lacag Doollar ahi, waxana uu  Dadka Lacagta Kaashka Haysta kaga Iibinayey Qiime Ka Jaban midka Suuqa Caadiga ah lagu kala Iibsanayey.

Qiimaha uu Ayaamahan uu Qofka Kaashka  sitaa ku Helayey  Boqolka Dollar ayaa ahaa 700,000sl shilling ah, waxase Dollarka uu Maalintii shalay Baanku Keenay  Suuqa lagu Helayey  Boqollkii Dolllar 6930,000sl shilling ah, taas oo Keentay in Dadku si weyn ugu dhiirradaan inay Lacagtaas sarriftaan.

Gaadhiga Lacagta Doollarka ah Siday ayaa Muddo saacado ah Taagnaa Badhtamaha Suuqa Wey nee Hargeysa, waxana qof kasta oo lacag kaash ah sita ay ka Iibinayeen Dollarka uu u baahnaa, isla-markaana Laga qaadayey Lacagta Kaashka ah, taas oo sababtay in Sixirkii Suuqu uu Waxoogaa Hoos uga dhaco Halkii uu Taagnaa.

Sarriflayaasha Dariiqyada Magaalada Hargeysa Fadhiista, ayaa Safaf Dhaadheer u Galay Hellitaanka Doollarka Jaban, waxana Ku soo Biiray Dadkale oo aan Ganacsato ahayn, kuwaas ka Faa’iidaysanayey Isbeddelka Qiimaha Dollarka ku Yimi.

Beddelaadda Lacagtaas Doollarka ah ayaa waxa ay Keentay Cidhiidhi iyo is riixriix Badan, maadaama Hal Gaadhi oo kaliya lagu Shaqaynayey, isla-markaana ay inta badan Sarriflayaashu Doonayeen innay Lacagtaas Helaan, waxana Goobtaas Ka Dhacay Buuq iyo is Xagxagasho u dhexaysay Ciidankii Gaadhiga Lacagta Siday la Socday iyo Dadkii Lacagta Sarrifanayey.

Isku Dayada Noocan oo kale ah ayaa uu Baanka Dhexe Somaliland ku Doonayaa inuu Xal ugu Helo Qiimo korodhka ku dhacay Dollarka oo sidoo kale Saamayn ku Yeeshay Maciishadda Quutal Daruuriga ah Ee  Nolosha Shacabku Ku Xidhan tahay.

Lacagaha Dollarka ah ee uu Baanka Dhexe Ee Somaliland soo Geliyey Suuqa ayaa la Filayaa inay Ayaamaha Soo Socda  Halkaas ka sii Socdaan, waxana ay Saraakiil ka Tirsan Baanku Himilo u sheegeen inaan La Joojinn Doonin Dedaalka loogu jiro in Qiimaha Doollarka Hoos Loogu Dhigo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories