HomeBaanka Dhexe ee Somaliland Oo Maamuusay Shaqaale Hawl-karnimo iyo Shaqo-wanaag Lagu Majeertay

Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Maamuusay Shaqaale Hawl-karnimo iyo Shaqo-wanaag Lagu Majeertay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa maanta maamuusay xubno ka tirsan Shaqaale-weynaha Baanka ee ka hawl-gala gobollada dalka, kuwaas oo lagu qiimeeyey Hawl-karnimo iyo Shaq-wanaag ay muujiyeen sannadkii hore.

Abaal-marinta Shaqaalaha Baanka oo ku timi natiijada Qiimeyn jaran-jarooyin kala sarreeya soo martay oo ay samaysay Waaxda cududda Shaqaalaha ee Baanka Dhexe, ayaa ka qabsoontay Xarunta Baanka Dhexe, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baaaanka Dhexe Maxamed Qaasim, Agaasime-waaxeedyada, Maamuleyaasha Gobollada dalka iyo Shaqaale-weynaha Baanka Dhexe.

blankUgu horeyn, waxa kulanka ka hadlay Agaasime-waaxeedka Cududda Shaqaalaha Baanka Dhexe Khadra Daa’uud oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda kulanku xambaarsan yahay oo salka ku haysa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Baanka Dhexe u hayo Qaranka.

“Kulankani wuxuu ahaa mid uu Agaasinku isugu yeedhay maamuleyaasha laamaha Baanka Dhexe ee gobollada si ay isu xog-warraystaan, markaa annagaa ka codsannay agaasinka in lanoo dhex-raaciyo Abaal-marinta shaqaale weynaha Baanka oo sannad walba horaantiisa la qabto,” Sidaas ayey tidhi Khadra Daa’uud, madaxa Shaqaale-weynaha ee Baanka Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim, ayaa bogaadiyey hawsha ay Baanka Dhexe u hayso agaasimaha waaxda cududda Shaqaalaha Khadra Daa’uud oo soo diyaariyey Abaal-marinta shaqaalaha hawl-karnimada lagu majeertay.

blank“Waxaan ku faraxsanahay hawsha ay soo diyaarisay Khadra oo ka mid ah dadka aanu sida wanaagsan isu barannay maadaama oo aan idinku cusubahay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo intaas ku daray muhiimadda ay hawlaha Baanka Dhexe u leedahay wada-shaqeynta iyo daacadnimada hawl-wadeennada.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ayaa ka warbixiyey dariiqa loo maray Qiimeynta Shaqaalaha Baanka Dhexe, waxaanu yidhi, “Waan ku faraxsanahay inuu Agaasimaha Guud qiro hawsha ay Khadra hayso culays fara badanina wuu ku dhacay markii ay qiimeynayeen Lixdankaas qof, waayo qiimeynta shaqaaluhu waa shaqo aad u culus oo ah in foormkii la diro oo la soo buuxiyo oo masuulkii madaxda u ahaa qofka shaqalaha ah uu soo gudbiyo, dabadeedna laysla eego sii qiimeyntu caddaalad u noqoto.”

blankGuddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Dr Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa dhankiisa weedho dhiirrigelin ah ka jeediyey kulanka lagu abaalmariyey hawl-wadeennada Baanka Dhexe ee shaqo-wanaagga Muujiyey sannadkii hore.

“Baanka Dhexe wuxuu leeyahay hab-dhaqan gaar ah oo ah walaaltinimo, wada-shaqayn is-ixtiraan, Aqoon iyo dedaal. Waxa innagu waajib ah inay xoojinno oo joogtayno hab-dhaqanka fiican ee lagu yaqaano Shaqaalaha iyo madaxda Baanka Dhexe,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cali Cabdilaahi Daahir.

Gebo-gabadii munaasibadda waxa shahaaddooyin la guddoonsiiyey shaqaalaha Baanka Dhexe ee shaqo-wanaagga iyo hawl-karnimada Muujiyey Sannadkii hore.

Munaasibadda Abaal-marinta Shaqaalaha Baanka Dhexe, ayaa ku lammaanayd kulan isbarasho iyo dar-dargelinta Shaqada oo dhexmaray Agaasimaha Guud iyo Maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ee gobollada dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories