HomeBaanka Dhexe ee Somaliland Oo Gaadhi Aan Hore Loo Isticmaalin Ku Wareejiyey...

Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Gaadhi Aan Hore Loo Isticmaalin Ku Wareejiyey Ciidanka Dab-damiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa Maanta Gaadhi Dab-damis ah ku wareejiyey Ciidammada Dab-damiska Qaranka Somaliland.

Gaadhigan Dab-damiska ah, ayaa waxa Guddoomiyaha Baanka ka Guddoomay Madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) isla-markaana ku wareejiyey Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Axmed-sawaaxili.

Munaasibaadda Gaadhigan lagu wareejiyey waxa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Eng. Cali, waxaanu yidhi “Waxaanu Maanta ku wareejinaynaa Ciidanka Dab-damiska gaadhigaa Dab-damiska ah oo uu u Maal-geliyey Baanka dhexe, waxaana ku wareejinaya Madaxweyne ku-xigeenka..”

Guddoomiyaha Baanku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland cashar ka baratay Dabkii ka kacay suuqa Waaheen, sidaa darteedna ay hadda ka dib ku dedaalayso kaabayaasha lagaga hor-tago khasaaraha uu dabku sababo “Waynu ogayn oo waakii suuqii Waaheen gubtay bishii afraad ee sannadkii hore, Inkasta oo dabku dalkeena ka kaco, haddana dabkii ugu weynaa wuxuu ahaa kii Suuqa Waaheen, kaana wax badan baynu ka baranay, markaa iyada oo uu Baanka dhexe ka mid yahay Laamaha Dawladda, waxaanu is nidhi halkee baad ka geli kartaan, markaa waxa ugu baahi badnaa waa gaadiid Dab-damis, markaa waxaanu is nidhi wax hal-bowle ah oo waari doona oo dalka meel walba uga gurmada inaanu u fidino, kaasina wuxuu noqday Gaadhigan..”

blankTaliyaha Ciidammada Dab-damiska Somaliland Axmed Sawaaxili oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiey gaadhiga lagu wareejiyey “Waxaanu ku faraxsanahay inaanu ka soo qayb-galno gaadhi cusub oo la nagu wareejinayo, kaasi oo cusub, moodeelkiisuna 2022. Gaadhigani wuxuu qaadaa 80 Foosto oo Biyo ah, Bamkiisu halkii daqiiqo wuxuu ku siinayaa 1000 Giraam, Bamkiisa sare, daqiiqaddii wuxuu ku siinayaa 400 Giraam, waa Baabuur cusub, waxaanu ina haynayaa 15 sano iyo in ka badan..”

Ugu dambayn, waxa halkaa ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo Hawl-wadeenadiisa oo gartay inay Hay’adda Dab-damiska Qaranka ku caawiyaan gaadhigan oo lagaga hor-tagayo Masiibada dabka oo mar walba taagan..”

Gaadhiga lagu wareejiyey Ciidanka Dab-damiska, ayuu Baanka dhexe ee JSL uu toos uga dalbaday Shirkaddii soo samaysay, isagoo ka war hayey samayntiisa iyo noocyada qalabka loo isticmaalay.

blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories