HomeBaanka Dhexe ee Somaliland iyo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay Oo Qodobbo Muhiim...

Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay Oo Qodobbo Muhiim Ah Ku Heshiiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Bangiyada Ganacsi ee Gaarka loo leeyahay, ayaa ku heshiiyey dhammeystirka Shuruuc muhiim u ah horumarinta kaabayaasha Maaliyadeed ee Dalka.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta u sarreysa Baanka Dhexe iyo Saraakiil ka socotay Bangiyada Gaarka Loo leeyahay Dalka ka jira, waxa kale oo layskula qaatay Horumarinta Qorsheyaal Baanka Dhexe iyo Bangiyada Gaarka loo leeyahay ku horumarinayaan Suuqyada Maaliyadeed ee Dalka iyo Qodobbo Kale.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Baanka Dhexe, waxa kulanka labada geesoodka ah lagu gorfeeyey Qodobbo ay ka mid yihiin Xaaladda Guud iyo Caqabadaha Haysta Bangiyada, Daah-furnaanka Dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee Bangiyada Gaarka loo leeyahay iyo qaabka loo mari karo hirgelinta Xafiiska Nidaamka Maaliyadeed ee Islaamiga ah.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland oo lagu faahfaahiyey Qodobbada Shirka lagu gorfeeyey iyo natiijada ka soo baxday kulanka, ayaa u qornaa sidan:-

“Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo ay weheliyaan Guddoomiye-ku-Xigeenka Baanka, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baanka, Mudane Mukhtaar Cabdi Quule, Agaasimaha Qaybta Koormeerka Hay’addaha Maaliyadeed, Madaxa Xafiiska Iswaydaarsiga agabka maaliyaddeed iyo Agaasime ku xigeenka Qaybta Dabagalka Dhaqdhaaqyada Maaliyadeed, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ee Dahabshil International Bank, Dara-Salaam Bank, Premier Bank, Amal Bank iyo Guddoomiyaha Ururka Baananka Somaliland.

blankKulanka oo ahaa kulankii u horeeyey sanadkan ay yeeshaan Baanka Somaliland iyo Madaxda Bangiyada Gaarka loo leeyahay waxaa lagu gorfeeyey:-

  1. Xaaladda Guud ee Bangiyada
  2. Caqabadaha haysta Bangiyadda
  3. Kor u qaadista Daah-furnaanta Dhaqdhaqaaqyada Maaliyadeed iyo Dardar Galinta Dhaqan Galinta Xeer Lr. 87/2019,
  4. Hirgelinta Sharia Office iyo Ka shaqeysiinta Xafiiska Iswaydaarsiga Agabyada Maaliyadeed (Clearing House Office ).

Gebogabadii waxaa kulanka layskula qaatay:-

  1. In La dhamaystiro shuruucdii kor u qaadi lahaa kaabayaasha maaliyadeed ee dalka (Financial Infrastructure).
  2. In la diyaariyo qorshaha baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe ay ku horumarin lahaayeen suuqyada maaliyadeed ee dalka.
  3. In la shaqo galiyo habka shaqadda iswaydaarsiga agabka maaliyeed (Clearing House) si manual ah.
  4. In La dardar galiyo wada xidhiidhka baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe oo kulan kale la iskugu yimaado, hadii ALLE Idmo.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories