HomeBaanka Barclays oo Go’aansaday inuu Kordhiyo Muddadii uu Hore ugu Qabtay Xawaaladaha

Baanka Barclays oo Go’aansaday inuu Kordhiyo Muddadii uu Hore ugu Qabtay Xawaaladaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Barclays-BanKLondon (SLpost )- Banigaga ugu wayn dalka Ingiriiska ee Barclays oo dhawaan ku dhawaaqay inuu horraanta bisha foodda inagu soo haysa ee July joojinayo wadashaqaynta ka dhaxaysay in ka badan 250 xawaaladood oo Soomaalidu ku jiraan, ayaa mar kale go’aansaday inuu kordhiyo muddada ay shaqaynayaan xisaabaadkooda ay xawilaadu.

Sidaana waxa shaaciyey telefishanka Channel 4 News oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalka Ingiriiska, waxa warbixin uu ka diyaariyey tallaabada xayiraada xawaaladaha ku sheegay in masuuliyiinta Bangiga Barclays ku wargeliyeen inay go’aansadeen in waqtiga u kordhiyaan kambaniyo uu ku jiro Dabashiil.

Barclays oo ah bangi gaar loo leeyahay oo ka mid ah bangiyada shirkadda Dahabshiil la macaamisho, ayaa warbixinta telefishanku ka sameeyey waxa uu ku sheegay in qurba-joogta Soomaalida ah ee Ingiriiska ku dhaqani ay lacag ka badan 100 milyan Euro (lacagta Yurub) u diraan eheladooda ku nool dalka gudihiisa, iyagoo marsiinaya xawaalado ay ugu horreyso Dahabshiil oo ah shirkadda ugu wayn Afrika ee isu-socodka lacagaha ka shaqaysa, balse go’aanka uu qaatay Bangiga Barclays uu khatar ku noqonayo nolosha dad badan oo jilicsan.

Masuuliyiinta Bangiga Barclays waxay ku doodeen in aan qaar ka mid ah shirkadaha xawaaladuhu lahayn awood ama nidaam ay ku ilaaliyaan lacagaha nidaamyada khaldan u socda ama looga faa’iidaysto falalka dambiyada.

Haseyeeshee, Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa sheegay in shirkaddiisu awood buuxda u leedahay shaqada ay hayso, isla markaana ay guud ahaan daafaha dunida oo dhan ka hawlgasho, iyadoo si gaar ah u ilaalisa dal walba shuruucdiisa iyo qawaaniinta u taal.

Mr. Cabdirashiid waxa uu ka digay go’aanka uu gaadhay Baanka Barclays inay ka dhalan karaan tallaabooyin sharci-darro ahi, “Waxaannu muddo 15 sanno ah xidhiidh lahayd Barclays, laakiin markii ay na soo gaadhay warqadda Baanka Barclays waxay nagu noqotay layaab. Ficilka nooca ahi waxa uu keenayaa wax ka soo horjeeda waxa bangiyadu doonayaan inay sameeyaan.”

“Haddii ay ka hadlayaan lacago aan sharci ahayn iyo nidaamyo, xidhitaanka xisaabaadkani waxay u horseedaysaa dadka inay tagaan suuq madow oo ay diraan lacago sharci-darro ah, umana malaynayo in taasi dan u tahay Ingiriiska iyo Baanka Barclays ama xaaladda bini’aadanimo ee u baahan in laga hadlo,” ayuu yidhi Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo u warramayey telefishanka Channel 4 News.

Warbixintu waxay intaa daray in Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dawladda Ingiriisku Isniintii toddobaadkan qabtay shir lagaga hadlayey arrintan xawaaladaha Soomaalida oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha, Wasaaradda Lacagta, hay’adda la-dagaallanka dambiyada abaabulan iyo weliba Waaxda Horumarinta Caalamiga.

“Masuuliyiintani waxay diyaarinayaan qiimayn lagu sameeyo saamaynta go’aanka Bangiga Barclays uu ku joojinayo adeegyada lacag xawilaadu uu ku yeelanayo dhaqaalaha iyo dadka Soomaalida,” ayuu yidhi Afhayeen u hadlay xasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriisku.

“Haseyeeshee, waqti dambe waxa Bangiga Barclays u sheegay Channle 4 News inay iminka go’aansadeen inay u kordhiyaan waqtigii ay u qabteen qaar ka mid ah kambaniyada oo uu ku jiro Dahabshiil. Waxaanay tani siinaysaa rajo malaayiin qof, inkasta oo ilaa kambaniyada Soomaalidu helaan dariiq kale ay mushkiladani noqon karto mid aan tagin,” ayuu ku soo gunnaanaday warbixintiisa telefishanka Channel 4 News.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories