HomeBaananka Ganacsi (Commercial Banks) Maxay Tahay Shaqadoodu?

Baananka Ganacsi (Commercial Banks) Maxay Tahay Shaqadoodu?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 Golaha Wakiilada  Somaliland waxuu beryahan ka doodayey xeer ku saabsan ganacsiga, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii lagag hadlayey Baananka Ganasiga ah.
waxaan halka ku sharaxi doonaa Baananka ganacsigu maxay yihiin? maxay ka shaqeeyaa? waa imisa nooc? maxay faa’idaan? siday u faa’idaan?.
Baanka Ganacsi (Commercial Bank) waa haayad ka shaqaysa lacagaha oo  gaar loo leeyahay.
waxay  u shaqeeyaan dadweynaha iyo Shirkadaha, waxay u kala baxaan guud ahaan  kuwo lacagaha qabta iyo kuwo maalgelin sameeya. Shaqadoodu waa:
  1.  Waxa ay qabtaan  lacagaha (deposit),  waxayna u  kala baxan kuwo waqtig go’an leh iyo kuwo aan waqti go’an lahayn.
  2.  Waxay kale oo baanka ganacsi bixiyaa daymaha ganacsi(business loans) daymahaas oo kala ah lacago ay dadka amaahiyaan, Guryo, gawaadhi, Maalgelin IWM.
  3. ,Iyo  adeegyo kale oo la xidhiidhka ganacsiga.
Baananka Ganacsi waxaa loo samaystaan in lagu raadiyo Faa’ido (profit) waxaa inta badan leh dad gaar ah. waxyaabah kale ee ay qabtaan  waxaa ka mid ah:
  1.  Isu gudbinta lacaga iyo macluumaadka la xidhiidha (Transfer of funds): waxay bixiyaan adeeg ah in ay macaamiishooda sida shirkada u gubiyaan lacago ama macluumaad la xidhiidha lacago.
  2. waxay kale oo maacmiishooda u qabtaan adeeg kale oo ah inay u soo ururiyaan biilaal (bills), (cheques) lacagaha jeejajaga ku qoran,(rent) kirooyin, iwm. waxaa kale oo macaamiishooda ka caawiyaan inay ka sii bixiyaan lacagaha sida cashuurta IWM.
  3. waxay bananka qaar dawladu u xilsaartaa oo awoodu u siisaa inay  bixiyaan adeega ah sarifka lacagaha qalaada (foreign Exchange).

 

     Sidee u faa’idaan?
       Faaidada ugu badan waxay ka soo saaraan dulsaarka(interest) ay dulsaaraan lacagaha ay maamulaan, marka laga yimaado meelo yar oo ay maalgashi ku sameeyaan(invest). dulsaar waa rebo, rebona diinteena waa ku xaaraan markaa waxaan u soo jeedin lahaa mudanayaasha Golaha wakiilada ina ay aad ugu fiirsadaan talaabada ay ka qaadayaan arrinkankan oo ay xisaabtana  ku darsadaan oo qaataan talooyinkii wax ku oolka ahaa ee Culimada Somaliland kaga hadlayaan arrrinkan.
Shakhsiyan waxaan aaminsanahay in Baananka doonaya in ay ribo bixiyaan waxayaabaha u fududaynay in ay suuqa soo galaan waxaa ka mid ah Baananka ku shaqeeya Hanaanka Islaamka oo aan sidii la rabay Bulshada ugu shaqayn, lacaga ama maalgashiyada ay bixinayaan ku xidhay shuruudo ay adagtahay in bulshada maalgashiga u baahin buuxiso,shaqadooda oo ku kooban mashaariic aan badnayn.
Bananka Hanaanka Islaamka ku shaqeeya(Islamic Banks) waa in ay adeega u fududeeyaan dadweynaha ama shirkadaha ay u shaqeeyaan si aanay Baanana ribo ku shaqeynayaa suuqa u soo gelin, waana in ay soo kordhiyaan adeegyo faro badan oo maanta dalka looga baahan yahay dadka iyo dalkana faa’ido u leh oo aanay ku koobnaan meelo kooban sida gaadiid ay dadka amaahiyaan ama meherada sii shaqaynaysay oo ay xoogaa ugu sii daraa.
waxay ahayd inay maalgashiyo faro badan oo iyaga ay wax ka faa’idayaan sameeyaan oo ay ka mid tahay  in ay guryo qiimahoodu jabana yahay u  dhisaan dan yarta kana kireeyaan, ama beero maalgeliyaan si faa’ido uga soo baxdo. Waxaynu sugnaaba waa Talaabada Golaha Wakiilada Somaliland ka qaadan doonaan dalka. Maqaalkayga xigana waxaan kaga hadli doonaa Dulsaar(interest) ama RIBO Maxay tahay?
Yaasiin Baxwal
dhaqaale yahan
065-9155222
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories