HomeBaadariga Ugu Sareeya Kiristaanka Masar Oo Itoobiya U Yimi Xal U Raadinta...

Baadariga Ugu Sareeya Kiristaanka Masar Oo Itoobiya U Yimi Xal U Raadinta Muranka Biyaha Labada Dal

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Qaahira (SLpost)- Toddobaadkii hore waxaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ka ambabaxay Baadariga ugu sarreeya Kaniisadda Masar  oo lagu magacaabo Baaba Al-Iskandar Tawaadruus-ka labaad isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si uu uga qayb qaato dejinta xaraaradda kacsan ee xidhiidhka labada dalka oo ka dhalatay wadaagista biyaha Niilka.

Baadariga oo la sheegay in uu safarkani yahay kii ugu horreeyey ee uu ku yimaaddo caasimadda Itoobiya ayaa uu socdaalkiisu ku soo beegmay xilli uu labadan dal ka dhex taagan yahay is-mari-waa adag oo ka dhashay biyo xidheenka Hidase Dam ee Itoobiya ay doonayso in ay kaga faa’idaysato qul-qulka biyaha webiga Niilka.

Baadir Al-Iskandar oo intii aanu ka ambabixin Qaahira waraysi siiyey wargeyska Al-Ahram  ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Dareenka waddaniga ah, iyo xidhiidhka fiican ee labada kaniisadood (Masar iyo Itoobiya ku kala yaalla) ayaa igu dhiirrigeliyey in aan raadiyo sidii aan xaalad is-faham uga dhex abuuri lahaa labadan dal”

Dhinaca kalana wakaaladda wararka ee Sharqal Awsat oo uu Geeska Afrika soo xigtay ayaa sheegtay in masuuliyiin ka tirsan Kaniisadda Masar oo ka mid ahaa kuwii gegida diyaaradaha Qaahira ku sii sagootinayey ay u sheegeen in Baadarigu uu Itoobiya joogi doono 5 maalmood oo uu kulamo kala duwan la yeelanayo masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha kaniisadda, goobo diini ahna uu booqan doono, isla markaana uu ka qayb geli doono ciidda Mucatabka ee dalka Itoobiya lagu xuso oo ah ciidda diiniga ah ee ugu weyn dalkaas.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen in Baadariga Masaariga ahi uu kulamo rasmi ah la qaadanayo masuuliyiinta Itoobiya oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dalka Mulatu Teshome.

Waxaa maalmihii u dambeeyey sii xoogaysanayey khilaafka dalalka Itoobiya iyo Masar ugu dhexeeyey dhamaystirka heshiis Itoobiya u ogolaanaya fulinta mashruuca biyo-xidheenka isla markaana Masar ku qancinaya in aanay dhibaato soo gaadhayn danaheeda biyaha, kadib markii ay labada dhinac dhowaan isku khilaafeen xafiisyada la talinta ee ay tahay in ay la socdaan fulinta mashruuca biyo xidheenka Hidase.

Raysalwasaaraha dalka Masar Shariif Ismaaciil oo isna sabtidii hore hadlay ayaa sheegay in xallinta arrinta biyo-xidheenku ku xidhan tahay saddex arrimood, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Arrintan waxaa xukumaya dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsan yihiin, in aanu raadayn ku yeelan saamiga ay Masar ka hesho biyaha Niilka, in aan ujeedooyin siyaasi ah looga faa’idaysan (Dhaamka) iyo in uu taageerayo horumarka ay Masar samaynayso mustaqbalka”

Maareeyaha mashruuca dhismaha Hidase Dam ee dalka Itoobiya oo dhowaan la hadlay talefishanka dalkiisa ayaa sheegay in dhismaha biyo xidheenku uu boqolkiiba 47 dhamaystirmay, arrintaas oo markiiba shaki iyo dareen taban ay ku qaabileen siyaasiyiinta iyo khubarada Masaarida oo ku andacoonaya in uu saamayn ku yeelanayo saamigooda biyaha oo ah 55.5 Bilyan oo Meter cubic afar jiibbaaran, laakiin dalka Itoobiya ayaa marar badan xaqiijiyey in biyo-xidheenka Hidase ay si gaar ah ugaga faa’idaysanayaan koronto dhalin, isla markaana aanu wax dhibaato ah soo gaadhsiin doonin dalalka Suudaan iyo Masar.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories