Home“Aynu ka wada shaqayno iskuna taageersano horumarka iyo horusocodka” Wasiir Xirsi

“Aynu ka wada shaqayno iskuna taageersano horumarka iyo horusocodka” Wasiir Xirsi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Laascaanood, (SLpost)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bulshada gobolka Sool kala qayb galay munaasibaddii ciidal-fidriga ayaa ka hadlay xaaladda gobolkaas iyo horumarka ay xukuumadda ka wado guud ahaan dalka.

Wasiirka oo bartiisa bulsho ee Facebook ku baahiyay qoraal uu ku faahfaahinayo arrimahaas ayaa waxa uu u dhignaa qoraalkaas:-

“Waxaan maanta Munaasabada Ciidul Fidriga kula qaadanay boqolaal kamida shacab weynaha ku dhaqan caasimada gobolka Sool ee Laasacaanood halkaas oo ay igu wehelinayeen Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka

Tukashada salaada Ciida oo ka dhacaysay Maasajidka weyn ee Jaamaca iyo goobo kale oo fagaarayaal ah ayaad arkaysay shacabka oo soo buux dhaafiyey isla markaana isugu hambalyeynaya munaasabada ciidul Fidriga sidoo kalena isugu ducaynaya in camalkii wanaagsanaa ee ay bisha barkaysan ee Ramadaan ay la yimaadeen Alle ka aqbalo.

Hadaba, kahor intii aan la galin salaada Ciida ayaan kalmado kooban kula dardaarmay shacab weynahii kasoo qaybgalay gudashada salaada Ciida halkaas oo aan ku xoojinaynay dhinacyada kor u qaadida nabadgelyada oo ah dabcan muftaaxa horumarka iyo sidoo kale dhinacyada wax wada qabsiga iyadoo aan isku dardar galinay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba la isku taageersado horumarka si loo helo waxqabad balaadhan oo dadka wada gaadha.

Markii ay soo dhamaatay tukashada salaadii Ciidu ayaanu bilownay kulamo aanu la qaadanay dhinacyada kala duwan ee bulshada halkaas oo aad dhamaantood ka dareemaysay sida ay uugu bisil yihiin hamuun badana uugu qabaan horumar badan oo ay deegaankooda iyo dalkaba ka hirgaliyaan waxaanan aad uuga mahadcelinaynaa sidii milgaha iyo maamuuska badnayd ee ay shacabka reer Laasacaanood nagu soo dhaweeyeen.

Waxaan sidoo kale xadhiga kasoo jarnay laba saldhig boolis oo laga hirgaliyey bariga iyo galbeedka a oo wax badan ka qabtay amaanka magaalada.

Sidoo kale intii aanu ku sugnayn magaalada ayaan dhagax dhignay waddooyin wax badan ka tari doona isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo mashaariic kale oo horumarineed
Waxaa hubaal ah in xukuumadu la timi horumar isla markaana shacabka ku abuurtay han wax qabsi waxaanan leeyahay shacabka reer Laasacaanood iyo guud ahaanba reer Somaliland :

“Walaalayaal wixii umada loo qabto ayaa duug iyo madhax leh oo bulshada iyo dawladana dhaxal u ah ee aan ka wada shaqayno iskuna taageersano horumarka iyo horusocodka”.

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories