HomeAyax Guuraya oo maanta Hargeysa Dulmaray Meelo Qaarna Lagu Arkayay Isaga Ku...

Ayax Guuraya oo maanta Hargeysa Dulmaray Meelo Qaarna Lagu Arkayay Isaga Ku habsaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ayax-- Askarjpg.Hargeysa (SLPOST) Ayax Guuraya ayaa manta Duhurkii qariyey caasimada Hargeysameelo ka mid ah  kadib markii uu isagoo sida Shinida u Guuraya lagu arkay  daafaha magaaladda Hargeysa kolba dhinac kaga soo wareegay isagoo markii danbe isku baahiyey dhamaan xaafadaha sitoos ahna lugu arkayay xaafadaha galbeedka hargeysa Hargeysa.

Ayaxa Dadweynaha Hargeysa oo intooda badani aanay sanadahaas Arag Ayax noocan oo kale ah ayaa manta isugu soo baxay jidadka waxaanay ku dhaygagsanaayeen awooda Ayaxani leeyahay, waxaanu qofkastaa xiisaynayey daawashadiisa.

Dadweynaha Hargeysa oo ka war hayey in Ayaxani mar uun soo gaadhi doono maadaama maalmahanba hadal hayntiisu badnayd ayaa hadana waxa uu u lahaa laba arrimood oo midi tahay dhibaatada uu deegaanka ku keenayo taasoo aanay waxba ka qaban Karin iyo arrinta kale oo ah sida uu u socday Ayaxaasi iyadoo qof kastaa kamarad ku sawirayey marka uu soo gaadho.

Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa sheegtay in aanay u lahayn awood ay kula dagaalanto Ayaxan isla markaana ay rajaynayso gurmad uga yimaada dalalka uu ku wajahan yahay Ayaxani gaar ahaan Dalka Itoobiya.

Wasaaradda Beeraha oo marar badan sheegtay inay ka hawl-gashay la-dagaallanka Cayayaanka Ayaxa ee waxyeellada xooggan ku haya dalagga Beeraha iyo Daaqa Xoolaha, oo ay Kooxo u ka hawl-gala oo Buuxiya Ayaxaas u dirtay iyada oo kaashanaysay Hay’adaha ka shaqeeya daryeelka Beeraha iyo Xoolaha ee caalamiga ah qaarkood.

wwwHase-yeeshee Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo horraantii bishan Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in Ayaxa oo ay doonayeen inay Diyaarado ku buufiyaan uu gaadhay heer la-dagaallankiisu adag yahay, isla markaana ay buufintaasi ugu suurageli weyday cabsi caafimaad oo ka soo gaadhi karta dadka iyo Xoolaha ku dhaqan Deegaannada ay u qorsheeyeen inay Diyaaradda ku buufiyaan.

Ayaxa ku habsaday gobollada kala duwan ee dalka Somaliland, ayaanay dawladda iyo Hay’adaha arrintaa kala hawlgalayay aanay haba-yaraatee wax xal ah u helin la-dagaallanka Ayaxa, isla markaana marba marka ka dambaysa waxa uu ku sii fidayaa deegaanno hor leh.

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Office/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories