Home"Axsaabta siyaasadda ee waddanka ka jiraa waxay ku guulaysteen in si xor...

“Axsaabta siyaasadda ee waddanka ka jiraa waxay ku guulaysteen in si xor ah oo…” – Wasiirka Caafimaadka DDSI

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga talada dalka Somaliland gacanta ku haya ee Kulmiye, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay wufuud kala kala socda dalalka deriska oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka socday dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu marti-qaaday.

blankWasiirka Waxbarashada ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Maxamed Cabdifataax ahna xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Barwaaqo ee dalka Ethiopia oo hadal ka jeediyey shirweynaha Xisbiga Kulmiye, ayaa bogaadiyey nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay oo uu xusay inuu yahay mid ka maraq-kacaya dhismaha mustaqbal dhiirri-gelinaya dhalinyarada inay ku hamiyaan hoggaaminta dalkooda.

Wasiirku waxa uu ugu horeyn ka hadlay muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Ethiopia, gaar ahaan dowlad-deegaanka Soomaalida, waxaanu yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga Barwaaqo ee dalka Ethiopia iyo magaca Xukuumadda deegaanka Soomaalida, farxad weyn bay noo tahay, sharaf weyn bay noo tahay inaan idinkala soo qayb-galno shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye”.

“Xidhiidhka Dowlad deegaanka iyo Somaliland waa mid aad u gudo-weyn. Mid maanta bilaabmay maaha ee waa soo jireen; xidhiidh siyaasadeed baa jira oo layska kaashanayo siyaasadda, xidhiidh amni baa jira oo wixii amniga ku saabsan layska kaashanayo, xidhiidh dhaqaale oo bulshadeenu is-dhaafsanayso nolosha guud wixii waxtar u leh oo ballaadhan baa jira, mid dhaqan, mid aqooneed baan wadaagnaa iyo dhalashoba leh.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada DDSI.

Md Maxamed Cabdifataax waxa uu Somaliland ku ammaanay nabad-geliyada iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkeeda ka hirgalay iyo doorka Axsaabta siyaasaddu ka qaateen, waxaanu yidhi, “Ma jirto adduunka waddan nabadgelyo-darro ka jirto oo dimuqraadiyad sameeya, mana jirto adduunka meel cabudhin ka jirto oo dimuqraadiyad ka hana-qaadi karto. Somaliland amnigii bay sugeen, meel dheer ayay gaadhsiiyeen dimuqraadiyadda inay sameeyaan. Axsaabta siyaasadda ee waddanka ka jiraa waxay ku guulaysteen in si xor ah oo dimuqraadiyadi ku jirto ay xukunka ula kala wareegaan”.

“Taasi waa mid xasilin karta in jiilashada soo socda ee reer Somaliland waddan ay ku noolaan karaan, ku hamiyi karaan inay mustaqbal hoggaamintiisa qayb ka noqdaan. Markaa hambalyo ayaan idin leeyahay”. Sidaas ayuu Wasiirku ka yidhi hadalka uu ka jeediyey shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories