HomeAxsaabta Qaranka Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah ee Ku Dagaallamay...

Axsaabta Qaranka Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah ee Ku Dagaallamay Deegaanka Ceel-afweyn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa kulan wada-jir ah oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen maanta, waxa ay baaqyo nabadeed u direen laba beelood oo dirir ku dhexmartay deegaanka Ceelafweyn ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha iyo Murashaxa madaxweynaha ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Murashaxa Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabilaahi iyo kuxigeenka xoghayaha Guud ee UCID oo kulan ay maanta ku qabteen Hargeysa si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay, waxa ay beelaha walaalaha ah ugu baaqeen inay joojiyaan colaadda isla markaana ka shaqeeyaan walaalaynta shacabka isku deegaanka ah, isla markaana looga hortagi lahaa wax kasta oo waxyeello gaadhsiinaya midnimada iyo wada-jirka bulshada.

20246360_449033175460407_5616189031359833441_n (1)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, waxana uu  ku adkeeyey inay maslaxadda iyo wanaagga ka shaqeeyaan, kana dheeraadaan fidnada iyo colaadda.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlayey kulan ay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI si wadajir ah ugula hadleen warbaahinta magaalada Hargeysa maanta, waxay ugu baaqeen beelaha deegaanka Ceel-afwayn inay joojiyaan colaadda oo ay qaataan nabadda, isla markaana wadahadal iyo deganaansho lagu xalliyo wixii khilaaf jira.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu  bulshada walaalaha ah ee degmada Ceel-afweyn ku dhiirrigeliyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan, kana dheeraadaan  wax kasta oo sii hurin kara xurgufta dhexdooda taalla, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Baaq nabadeed ayaan u dirayaa beelaha walaalaha ee degmada Ceel-afweyn ku dagaallamaya, dadkaasina waa dad dhaleeya ah oo waxay yihiin aan maanta la isu sheegaynin, dad kala maarmaya oo meel kala tegayana maaha, Ilaahay baana meesha ku abuuray, muddo sanad iyo dheeraad ahna colaad dheer bay ku jireen, waxaana ku dhacay khasaare weyn oo dhimasho, barokac, colaad iyo caydh ba leh, qarankana naxdin weyn bay ku tahay inuu maanta haddana dagaal kale ka bilaabmo halkaas.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qaran ahaan iyo qof ahaanba shacabka looga baahan yahay looga baahan yahay inay xil iska saaraan daminta colaadda deegaanka Ceel-afweyn, isaga oo ka digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta, “Xukuumaddu way dedaashay, waanuna kusii boorrinaynaa inay kasii hawlgasho joojinta colaadda iyo nabadaynta, qaranka oo dhanna haddii ay tahay madax-dhaqameed, baayac-mushtar, culimo iyo dhallinyaroba maanta nin kasta oo saddexda xisbi taageeraya amaba taladooda raacaya waxaannu ka codsanaynaa inuu u jeedsado nabadaynta dalka oo dhan, gaar ahaan tan maanta wax ka qabashadeeda, waayo colaaddaasi waxay leedahay weji aad khatar u ah, waxaanay u baahantahay in loo gurmado,” ayuu yidhi.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku dheeraaday sida bulshada deegaannadaasi u yihiin kuwo wada dhashay, walaalo ah oo dhiig iyo dhaqashoba wadaaga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Seeddi, isu soddog, walaalo, ilma-abti iyo Ilma-adeer xoolaha wada leh, beeraha wada leh, daaqa wada leh oo magaalada wada lihi meel ay kala qabanayaan ma jirto, in inagu filanna waa la daadiyey.”

https://www.youtube.com/watch?v=CZFGPtw-9M0&feature=youtu.be

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories