HomeAxsaabta Mucaaradka oo madaxweyne Siilaanyo uga digay Ansixinta Xeerka Cashuur-kordhinta ~ “Shinni...

Axsaabta Mucaaradka oo madaxweyne Siilaanyo uga digay Ansixinta Xeerka Cashuur-kordhinta ~ “Shinni Caydh ah ayaa dalkii ku degtay, geedkay midhaha ka cunayaan, wax allaale waxay ka tagayaan ma jirto”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa  si kulul u naqdiyey Xeerkii ay Maanta Ansixiyeen Golaha Wakiiladu waxayna Sheegen in Xildhibaanadii Ansixiyey xeerkasi ay yihiin laaluush qaatayaal dalka iyo dadkaba aan laxejelo ka qabin.

Masuuliyiin ka tirsan Axsaabta Mucaaradka oo maanta Shir-jaraa’id oo ay ku Qabteen Xarunta Guud ee Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, waxa ay madaxweyne Siilaanyo uga digeen inuu qalinka duugo xeerka ay mudaneyaasha golaha Wakiilladu ansixiyeen, iyaga oo sheegay inay shacbigu jawaab deg-deg ka bixin doonaan haddii uu madaxweynuhu saxeexo xeerkan.

Cali Guray oo ugu horeyn Shirkaasi Jaraa’id ka  hadlay ayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu Shacabiga Somaliland Marka ugu horeysa ka tacsiyadeynaynaa in mar kale mashruucii balaadhana ee lacag urursiga, mid kale oo ka mid ah ay golaha wakiiladu Ansixiyeen, iyaga oo ay tahay miskiinba misko la fuule leh, dadka Hantida leh ee mashaariicda waaweyn wataa way iska farsamayn karaan lacag urursatada, lakiin dadka masaakiinta ee aan karayn  ayaa waxa lagu sanduleynayaa waxanay qaadi karayn,”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Shini caydh ah ayaa dalkii ku degtay, geedka midhahay ka cunayaan, oo caleentay ka cunayaan, oo jiridda ayey cunayaan, oo xididkay gaadhayaan, wax alaale iyo waxay ka tagayaan ma jirto, waxaanu ka codsanay in aanu mudaharaad ka samayno xeerkan, lakiin way diideen, waxanse leeyahay waa laysku badheedhayaa, anigu marka aan mucaarid ahay mudaharadku waa sharci, marka aan anigu kursiga ku fadhiyo mudaharaadku waa Mabnuuc ayuu marayaa Siillaanyo haddii uu jiraba.”

UCID_WaddaniWaxa kale oo uu ka hadlay halka lacagta la ururinayo ee xeerkan ku jirta la geeynayo waxaanu yidhi, “Waad ogtihiin in mashariicdii waa weyned oo dhami fashilmeen, raga lacagtan ku urursanayaa waxay dadka indho sarcaad uga dhigayaan intay waddo dhagax dhigaan oo ay yidhadaan taasa lagu dhisayaa iyo tana la dhisayaa, anagu wax umada loogu danaynayo oo wado loogu dhisayo isma hortaagno mana ka hor imanayno, lakiin waxaanu ognahay lacagtii lagu dhisi lahaa Berbera Wajaale meeday waxay taala Nayroobi, qoladii cadaanka ah waxa shuruuc looga dhigay haddii aan Xirsi loo dhiibayn ma ogolayno in wadadaasi aad dhistaan, halkan waxa la leeyahay lacag bixiya oo wadooyinba lagu sameynayaa.”

Waxa kale oo uu Yidhi, “Waynu ognahay waxa meeshan yaala in odeygan iyo saddex afar Inan ay yihiin waxa meeshan xukuma, oo aanu Odeygu meesha aanu inagu xukumin, lacagbaa laynaga samaynayaa, xididka waala cunayaa qofkii haddii aad wax diidi waydaan, meel ay ku joogsanayso maleh, marka waxaan leeyahay shacabka reer somaliland waxaa u diyaar garoowdaan, xili ka mid ah xiliyadii ugu adkaa ee 22sanno dalkan soo mara xaalada ka mid ah u diyaar garooba, xaaladdaasi cidda ina galinaysaa waa inamadan faaqay ee kibray ee ragga waxba iskaga tirinayn ee lacagtii umadda laga qaadayey dadka ku laalushaya, intay wadaaddada iyo culiimada ay ururinayaan ee ay madaxtooyada geynayaan ee ay odhanayaan waxaanu nahay dad iiman leh oo Ehlulaahi ah oo umadda iyo dadka ka naxaya iyaga oo tuug ah oo budh cad ah oo umada dhacay.”

Eng. Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) oo ka mid ah masuuliyiin sar-sare ee Xisbiga Waddani oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Yidhi, “Halkan waxa aynu iskugu nimi tacsi aynu shacabka reer Somaliland ka tacsiyadeynayno xeerkan baadhashada ah, bulshaduna u taqaano Xeer-Xirsi, maanta waxa yaabka lihi waxa weeyi, waa markii ugu horeysay taariikhda Somaliland 70 xildhibaan intay golaha soo fadhiistan Konton iyo Siyaadona ay u codeeyan Xeer Xaaran ah, waxaanu idiin shageynaa in xildhibaanadii aad doorateen ee aad xilka u dhiibateen ay dantiini ka baxeen oo ay noqdeen dad ku coddeeya lacagta Berbera laga soo qaado loo qaybiyo waa nasiib daarro shacabka ku dhacday.” Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee maanta Ansixiyey Xeerka Takaaliifta Waddooyinka, ayaa intooda badani ka soo horjeedeen ansixinta Xeerkan muddadii labada maalmood ahayd ee dooddiisa lagu gudo-jiray, waxaana wakhtigan soo if-baxay in diidmadii mudaneyaashu kaga soo horjeedeen xeerkani ahayd mid ah Dhaameel kaga ruxanayeen Madaxtooyada soo diyaarisay Xeerka.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories