HomeAxsaabta Mucaaradka Oo Ka Hadlay Baaqashada Kulankii Turxaan-bixinta Ahaa Ee Saddexda Xisbi...

Axsaabta Mucaaradka Oo Ka Hadlay Baaqashada Kulankii Turxaan-bixinta Ahaa Ee Saddexda Xisbi Iyo Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Hogaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  oo warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga UCID ayaa xukuumadda ugu baaqay inay ka feejignaato inuu burbur ku yimaado wada-hadalkii u socday.

Mucaaradka

Shirkan jaraa’id ee labada xisbi ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu baaqday kulan maanta oo Isniin ah ay yeelan lahaayeen saddexda xisbi iyo xukuumaddu, kaasoo ka mid ahaa wada-hadalladii iyo gogoshii ay hore xukuumaddu u fidisay ee lagaga wada-hadlayay xal u helida khilaafka ka dhashay muddo kordhintii ay guurtidu samaysay.

Masuuliyiinta axsaabta mucaaradka ah ayaa sheegay inay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka sugayaan xalka khilaafkaas.

Ugu horeyn guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay shirkaas ayaa yidhi. “Wada-hadalku waxa uu bilaabmay 20-kii bishan May wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasi muu jirin, laakiin anaga oo eegayna danta Somaliland iyo in heshiis dhaco waxaanu siinay fursad xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE , waxaanu isla qaadanay in xal siyaasi ah la gaadho, waxaanu isku soo noqonay sabtidii, wax xal ahi kamuu iman dhinaca xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, waxaanay u ekayduun maalintii gogosha la dhigayay inay gogosha laabeen. Sababtoo ah gogol-na waanu dhignay bay yidhaahdeen, go’aanka khilaafka dhaliyayna waxay yidhaahdeen waa lama taabtaan, hase yeeshee madaxweyne ku-xigeenka oo dhexdhexaadinayay saddexda xisbi qaran ooh awl-na ku jira, wuxuu naga codsaday ka axsaab mucaarad ahaan in maalin dheeraad ah la siiyo oo kulankii maanta dib loo dhigo barina la isku yimaado. Anagoo u ducaynayna inuu natiijo keeno, laakiin aan wax badan ka filayn.”

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay aqoonsanaan doonin xukuumadda iyo muddo kordhinta ay guurtidu samaysayba haddii aan xal la helin inta ka horeysa 26-ka bisha June. “Waxaanu u sheegaynaa anagu 26-ka June , hadday gaadho, inaga oo aan wax isla gaadhin dawladdaas ma ictiraafsanin, guurtidu waxaa ay kordhisayna ma ictiraafayno, waxa iman doonta sidii aanu aniga Axmed-ba ku tashanay barigii intaan shir isugu nidaamno inaanu dawlad qaran ku dhawaaqno oo doorasho inoo qabata. Haddaba waxaanu leenayay kubaddu xagooday taallaa, waxaanu rajaynaynaa inay xal la yimaadaan.” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories