HomeAxmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Baaqay In La Anshaxmariyo Shirgudoonka wakiilada ee...

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Baaqay In La Anshaxmariyo Shirgudoonka wakiilada ee Dagaalmay Kana Digay In Midkood Xilka Laga Qaado

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin ayaa gudida joogtada ah ee golaha wakiilada faray inay anshax mariyaan labada gudoomiye ee golaha ku dagaalmay, waxaanu ka digay in midkood xilka laga qaado taas oo uu ku tilmaamay mid washtigan halis ku ah nabada Somaliland.

Waxa uu sida oo kale ka sheekeeyay Axmed Yuusuf Yaasiin golahii wakiilada 1993-dii oo mar sidan oo kale isku qabtay isla markaasna mudo sanad ah ku guuldaraystay inuu yeesho wax fadhi ah, waxaana isaga oo arimahan ka hadkaayay uu yidhi “Arinkani waxa uu u eegyahay golahii tagay ee ay ka danbaysay 23-ka sanadood, waa golahii 1993-gii markii uu golahaasi is qabtay waa uu kala jabay, shirkii 1996-kii ayay yimaadeen iyaga oo kala socda, hadaba laba hadaf ayay ku kala jabeen, ka hore waxa uu ku kala jabay waxa jiray dastuur ayaa la samaynaayay, golahana waxa lagu soo doortay axdi qarameed dastuurna waa la samaynaayay, mudada sadexda sano ahayd in ay dastuurka sameeyaan bay ahayd laakiin markay mudo wadeen Cigaal waa uu qawaday, khabiir Suudaani ah ayuu keenay waxaanu sameeyay nuqul dastuur ah, kiibaana laga horyimi oo sidaas ayuu ku kala jabay, waxa gudoomiye ka ahaa Xaabsade waxaana ku xigay Baydaani,markaas xukuumadda oo Baydaani taageeraysa waa kii golahu halkaas ku kala jabay, waxa badbaadiyay shirweynii oo dastuuradii laysku hayayna waatii laysku geeyay ee laga soo saaray noqol, markaas halkaas ayaa kala jabkoodii lagu badbaadiyay, kan maantana waa isku mid laakiin waxa laysku qabtay ayaan dastuurkii ahayn ee Haamo ah, hadaba waxa weeye hadii uu wadadii golahaas maro maxuu ku danbaynayaa, waxa uu ku danbaynayaa inuu sahayd qaranka Somaliland oo maanta shirbeeleed la galayaa ma jirto.”

Axmed Yuusuf oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Golahani waxay ahayd mudadii loo kordhiyay inuu arimaha doorashooyinka eego oo waxii xeerar ku diiwaangalin ah iyo mid lagu soo dooranayaba ay eegaan ayay ahayd, isaga oo is watana uu doorashada gaadhsiiyaa, waana inay ogaadaan inay matalayaan shacabka waayo waxay ku fadhiyaan codkii shacabka, inay taas ixtiraamaan weeye. waxaan leeyahay iyaguna haysku tanaasulaan oo yaanay mardane tan oo kale dhicin.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday“Anigu meelbaan ka taagnahay haamaha iyo dekedaba, marka arin laga guurayo ee meel kale loo guurayo waa in sharciga la maraa, waa in la helaayo dekhli kii hore ka badan, waa in amniga haamana cid mid ka sii fiican samaynaysaa ay meesha timaado, haamaheenu waa kuwo gaboobay oo kontan sano jiray markaas hadii xabadi ku qaraxdo dhamaantood way guban,dekeduna waa ay guban Berberina waa ay guban, rayl bada shidaalka geeya hadii ay qaraxdo malaha, dhulka hoostiisiina kuma jiraan markaas amnigeena ayay halis ku yihiin.Dagaalka ka dhacay golaha wakiiladu waa mid ay ku dhimatay haybadii Somaliland,golahu waxa uu leeyahay gudi joogto ah oo qaabilsan anshaxa golaha gudidaasi waa inay fadhiisataa oo ay qaraar ka soo saartaa labada gudoomiye ee is dilay, waxa laga yaaba in la yidhaahdo cid xilka halaga qaado taasna waxkhtigeedii waynu dhaafnay mana doonayno inuu dalku kala qoqobmo, waxaan leeyahay inaga oo is wadana golahu xeerarkii ha dhameeyo si doorasho loo galo, si aanu golahu u noqon laba gobal oo fadhiisan kari waaya, gudida joogtada ah waa inay anshax mariyaan.”
Hargeysa Somaliland

Somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories