HomeAxmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Sida Uu Karo Madaxdii UDUB Ee...

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Sida Uu Karo Madaxdii UDUB Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo Xilalka U Magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay sicir bararka oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka jiray dalka iyo masuuliyiinta ka tirsanaa xisbigii UDUB ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilalka u magacaabay.

Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu heegay in sicir bararka ay sabab u noqon karto isticmaal la’aanta lacagta Somaliland oo uu tilmaamay in isticmaalkeedii soo yaraanayo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddi uu wasiirul khaarajigu guddoomiye u yahay oo ka hadasha siyaasadda dibadda Somaliland, si aan la isu barbar yaacin. Ugu horayn isagoo Axmed Yuusuf Yaasiin ka hadlaya sicir bararka dalka ka taagan wuxuu yidhi “Adduunka meel kasta hadaad marto Wadan kasta waxa uu isticmaala lacagtiisa, inaga Wadankeena wax walba dollar ayaa lagu iibsadaa, markaas waxa la mooda inaynu noqonay Gobol ka mid ah Mareykanka, isticmaalka lacagta dollarku waxa uu keenayaa inay lacagteenu dhulka gasho, oo ay daciifto,markaas waxa weeye in Dawladdu qaran ahaan ka soo saarto qaabkii loo xakamayn lahaa lacagaha kale oo Shilinka Somaliland wax lagu iibsan lahaa,oo waxaad mooda inay hadda wax walba doolar uu noqday, caqabada ugu weyn ee maanta ina haysta ee kama kacaanka ahi waa isticmaal la’aanta lacagteena, waxa aynu isticmaalnaa lacago kale, arintana waa arinta ugu horeeysa ee ay tahay in wax laga qabto, Qarankuna waa inuu arintaas meel adag iska taagaa, ta labaadna waa inay Dawladdu cashuuraha ku qaado Shilinka Somaliland, taasina waxa ay keenaysa inay Ganacsatadu isticmaalaan lacagta dalka, ta kale waa inay muwaadiniinta Somaliland ku dadaalan inay isticmaalan lacagtooda si qarankoodu u dhismo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko xilka Madaxweynuhu u magacaabay masuuliyiin ka tirsanaa Xisbigii UDUB, gaar ahaan Cawil oo uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay la taliye, wuxuu ku jawaabay “Muwaadiniintu Wadanka wey u siman yihiin, oo marka shaqo la qabanaayo ee Wadanka loo shaqaynaayo lama odhan karo hebel Xisbigaas ayuu ahaa, hebelna Xisbigaas kale ayuu ahaa, Qarankana waa la wada leeyahay, marka la tartamaayo waxa loo tartamayaa madaxtinimada, laakiin marka nin meel looga maarmi waayo meesha ay doontaba ha ahaate wuu ka shaqaynayaa, Ninkii meel looga maarmi waayana waa la geynayaa, maxa yeelay Wadanka ayuu wax ku leeyahay, waxaana loo baahan yahay in Umadda loo wada shaqeeyo”.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka digaya khilaafka Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada Qaranku waxa ay ka mid yihiin haykalka Qaranka, Xisbigii kowaad ee Wadanka ka hanaqaaday ee UDUB sidii uu ku burburay waa la ogaa, markaas ma jecli inuu Xisbi kale inaga burburo, markaas waxa aan jecel ahay in la taageero oo la ilaaliyo Xisbiyada Qaranka, waana in la kobciyo oo la taageero si ay u noqdaan Xisbiyo Qaran, si aynu ugu baxno Qabyaalada, waxaana Xisbiyada loo sameeyey in meesha laga saaro Qabyaalada oo aynu noqono dal hanaqaada oo ka fogaada qabyaalada, waxaana leeyahay mar walba ha la badbaadiyo Xisbiyada Qaranka”.

 Dhinaca kale waxa uu soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin in la sameeyo Guddi ka kooban todoba xubnood oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadu si guddidaas mar walba uga hadasho qadiyada iyo aqoonsi raadinta Somaliland, isla markaana looga badbaado is dhex yaac iyo khilaaf dhinaca Siyaasada Arrimaha dibada ee Somaliland.
Xigasho Geeska Afrika
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories