HomeAxmed Siilaanyo iyo Nelson Mandella, Hogaamiyeyaal Wadaagay Taariikh iyo Geesinimo Dunida ku...

Axmed Siilaanyo iyo Nelson Mandella, Hogaamiyeyaal Wadaagay Taariikh iyo Geesinimo Dunida ku Yar

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hogaamiyaha dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hogaamiyahii ladagaalanka midab kala sooca Koonfur Afrika ee Nelson Mandella, ayaa noqday laba hogaamiye oo taariikhdoodu isku eegtahay. Waxa ay wadaagaan waxyaabo badan oo aan lagu xasuusan hoggaamiye kale oo soo marey Afrika iyo dunidan casriga ahba.

Marka aad dub u milicsato taariikhda ay soo mareen. Marka aad xasuusato go’aamada siyaasadeed ee dhaxalka noqday ee ay labadooduba qaateen oo isku mid ah iyo arrimo badan oo ay umaddooda u qabteen, Axmed Siilaanyo iyo Nelson Mandeella waa rag taariikhdoodu isku eegtahay, isla markaana wadaaga geesinimo dunida ku yar.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu u soo shaqeeyey umadda Soomaaliyeed oo dhan. Waxa uu ahaa xooggii iyo maskaxdii uu ku fadhiyay, horumarkii Soomaaliya ka dhacay sannadahii 1969 ilaa iyo 1980kii ee uu ku faani jiray kacaankii Afweyne Barre. Waxa uu ahaa aqoonyahankii loo xulay sida loo maamulayo Soomaaliya markii uuu kacaanku qabsaday, isaga oo soo jeediyey talooyin lagu badhaadhey intoodii lahirgaliyey. Sida oo kale Siilaanyo oo ahaa aqoonyahankii waqtigaa laheystay waxa loo dhiibay jagadii horumarka wadanka laga hagaayay oo aheyd wasaaraddii qorsheynta qaranka Soomaaliya.

Nelson Mandella waxa uu ladaagalllamay midab kala soocii Koonfur Afrika, halka uu Axmed Siilaanyona ladagaallamay kali taliskii iyo isir tirtirkii ka socday  Soomaaliya ee uu Afweyne hormuudka u ahaa.

Markii uu guuleystay Nelson Mandella, waxa uu iska cafiyay cidkasta oo kasoo gashey godob siyaasadeed intii uu halganka ku jiray, halka Axmed Siilaanyona cafiyey dhammaan beelahii iyo dadkii godobaha siyaasadeed ka galey lagasoo bilaabo ladagaalankiisi kacaanka ilaa iyo maanta oo wadanka madax kayahay. Waxyaabaha layaabka leh ee xukuumaddiisa lagu arkey waxa ka mid ah: Masuuliyiingtii UDUB ee dagaalka daran ku qaadey markii uu mucaaradka ahaa, ayuu u magacaabey xilal waaweyn sida taliyahii hore ee booliska Soomaaliland Saqadhi Dubad. Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancaddee, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Maxmed Muuse Diiriye.

Taariikhda Mandella waxa ku xusan in uu galey xabsi dheer, halka ay taariilkda Siilaanyona ku jirtey in uu dub u galay halgan uu kula dagaallamaay, cabudhinta shacabka iyo xorriyatu qowlka, iyo fadhiidnimada dowladda. Halgankan laba kacleynta ahaa ayaa waxa uu ahaa shaqo kale oo aad u culus oo u dhiganta xabsiga dheer ee uu galey Mandella.

Siilaanyo waxa uu hor seeday tallaabo ku dayasho mudan markii uu aqbalay in uu ka badiyey Rayaale oo ahaa nin siyaasad ahaan iyo taariikh ahaanba aan u dhigmi karin Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana uu kaga badiyey cod yar oo mad madow badan ku jiray. Arrintaasi waxa ay keentay in ay Soomaaliland soo jiidato indhaha caalamka, maxaa yeelay waxa adag hoggaamiye Afrikaan ah oo u dulqaata madmadow dhaca isaga oo aarsan kara. Madaxweyne Siilaanyo waa uu heli karay in uu ku ciil baxo xoog siyaasadeed, mid sharci iyo mid millateri oo uu kaga jawaabi karey waxa dhacay, laakiin Siilaanyo waxa caddaatay hayiinnimadiisa siyaasadeed, iyo lexejeclada xooggan ee uu dadkiisa iyo dalkiisa ka qabo, sida oo kale mamuujin cadaawad uu u qaaday dadkiisii ka horreysiiyey nin aanu Siilaanyo u qalmin in labarbar dhigo iyo in lala tartansiiyoba.

Intii uu hoggaaminayey dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxa uu hirgaliyey wax qabad aan hirgalin intii ay Soomaaliland jirtay ee isaga ka horreysay oo dhan.

Maanta oo ay bishu aheyd 10/nov/2015 waxa uu mar kale dhaliyey goolkii ugu layaabka badnaa, oo ahaa in uu katanaaasulo mar labaad oo isasoo sharraxo. Axmed Siilaanyo oo dastuurka Soomaaliland siiyay in uu dub u soo tartami karo ayaa waxa uu caddeeyey in uu fursaddaan u bannneeyey dadka kale ee hanka siyaasadeed ku jiro. Iyada oo aynaan heynin meel uu ku taageeray Musharrax Muuse Biixi, haddana Muuse waxa uu ku soo carbiyey hayiinnimadiisa siyaasadeed. Sidaa silamid ah Nelson Mandella waxa uu ahaa madaxweynahii ugu horreeyey ee tanaasulay isaga oo tartami kara.

Ugu dambeynti waxa xusid mudan muddada rubux qarniga ku dhow ee uu Siilaanyo siyaasadda ku jiray in aanu guri ka dhisan hantida umadda oo aanu jirin maanta guri uu uga guuro madaxtooyada marka uu banneeyo. Halka uu madaxweynahii ka horreeyey iyo rag badan oo masuuliyiin kale noqdayba ay guryo fooqyo ah ka dhisteen caalamka iyo dalka gudahiisaba.

Iskusoo wada xooriyoo Madaxweyne Siilaanyo waa hoggaamiye ay taariikhdu sheegayso oo aan u baahneyn in dadku sheego. Waa hoggaamiye aan hambalyo lagusoo koobi karin waxa uu mutaystay. Waa hoggaamiye  mudan in lagudoonsiiyo billaddii lasiiyay (Nobel Peace Prize) ninkii  ay isku taariikhda egaayeen ee Nelson Mandella.

 

 

 

Cilmi Baadhe Arrimaha Bulshada Iyo Siyaasadda ah

Maxamuud Daahir Cismaan

Baadigoob@hotmail.com

063 4085537

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories