Home“Axmed Muumin Seed Khiyaamo Ayaa Ku Dhacday, Kagamay Dhicin WADDANI Waa La...

“Axmed Muumin Seed Khiyaamo Ayaa Ku Dhacday, Kagamay Dhicin WADDANI Waa La Garanayaa” Prof: Geedoole

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole  oo hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,ahna Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama, ayaa ka hadlay shir maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Hargeya ku dhexmaray hogaanka sare ee Xisbiga Waddani iyo Madax-dhaqameedka Beesha Habar Caafan ee Gobolka Awdal oo uu ka soo jeedo.

geedoole1

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole   oo Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay   wareysi gaar oo shirkan ku saabsan siiyey ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Muumin Seed uu xisbiga KULMIYE khiyaameeyay, waxaanu ugu horayn isagoo shirkaas ka hadlaya uu yidhi  “Shirkan muddo saddex maalmood ah ayuu ka socday Magaalada Hargeysa, waxaana Shirkan ka qayb galay madax-dhaqameed,Salaadiin Cuqaal iyo Odayaal ka tirsan 12-ka jilib ee Beesha Habar Cafaan,Rag ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga, Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Boorama, dhinaca Xisbiga Waddani-na waxa hogaaminayey Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Xaaji Cali, Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Rag kale oo ka tirsan Hogaanka Xisbiga, waxaana Shirkan lagaga wada hadlay arimo  muhiim ah oo ay ka mid yihiin in aanay Beelna u xidhayn Xisbi gooniya, oo ay Beeshu xor tahay, oo ay jiraan dad iyagu ku biiray Xisbiga Kulmiye, qaar ku jiraan Xisbiga UCID, qaarna ku jiraan Xisbiga Waddani, oo aanay Beesha Habar Cafaan u xidhayn Xisbiga Kulmiye, waxaana lagaga wada hadlay shirkan sidii Xisbiga dib u habayn loogu sameeyn lahaa, madaama ay ka tageen Xisbiga Rag ku jiray sida Guddoomiye ku xigeenkii kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenkii labaad, markaas marnaba Beesha Habar Cafaan Xisbiga Waddani ka tagi mayso, inay cudud iyo taageero balaadhan ku soo kordhiso mooye, qodobo aad u fara badan ayaana laga wada hadlay, saami la siiyo Beesha ayaa laga wada hadaly, waana la is afgartay”.

Prof: Faarax Cilmi Geedoole ayaa mar uu ka hadlaayey Axmed Muumin Seed ayaa yidhi “Axmed Muumin Seed khiyaamo ayaa ku dhacday, balse khiyaamado kagamay dhicin Xisbiga Waddani, ee waa la garanaya halkay kaga dhacday, khiyaanadaasi halka ay ka soo fushay, kolay aniguna ma jecli in aan diirka ka qaado halkay khiyaanadu kaga dhacday, kolay aniga qudhayda taas Axmed ku dhacday ayaa anigaba hore iigu dhacday, sidaan hore uga aamusna ayaanan uga aamusaya, laakiin Beesha Habar Cafaan wey fahmeen khiyaanada uu Xisbiga Kulmiye ku hayo, Xafladii Boorama lagu qabtayna waxba looguma tarin iyaga iyo Axmedba, laakiin Axmed Muumin Seed waxaan leeyahay Xisbiga Waddani waa laga jeclaa, inaad ka tagto may ahayn, laakiin rajo wanaagsan baan kuu raynayaa”.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories