HomeAxmed Ismaaciil Samatar oo wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay in wakhtigan...

Axmed Ismaaciil Samatar oo wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay in wakhtigan laga hadlo in Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Apeldoorn, (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo hoggaamiye ka ah Xisbi-siyaasadeed Hiil-Qaran la yidhaahdo oo ka tirsan Xisbiyada Soomaalida ee Qurbaha lagaga dhawaaqay, ayaa sheegay inay nacasnimo tahay in maanta la isku dayo in Somaliland lagala hadlo dib u midaw Soomaaliyeed.

Axmed Ismaaciil Samatar oo dhalasho ahaan reer Somaliland ah, hase ahaatee, mabda’ ahaan taageersan siyaasadda Soomaali-weyn, ayaa sheegay inaanay suuragal ahayn wakhtigan in Jamhuuriyadda Somaliland dunida amaba Soomaaliya isku dayaan inay kala hadlaan midaw mar labaad dhex-mara Soomaaliya 52 sano oo ay midoobeen ka dib, iyada oo Somaliland 18-kii May 1991-kii xornimadeeda gooni-isu-taagga kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo hadal ka jeediyey kulan Xisbiga uu hoggaamiyo loogu qabtay toddobaadkan magaalada Apeldoorn ee waddanka Holland, ayaa warbixin dheer oo u kaga warramay xaaladda magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo Soomaaliya ka mid ah ee nololeed, siyaasadeed iyo sida dalka Soomaaliya Hiil ugu baahan yahay, isla markaana ka warramay xaaladda dadka Soomaalida ah ee Qaxoontiga ku ah Xerada qaxoontiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo uu ku tilmaamay mid aad u adag. Prof: Samatar waxa uu sheegay inay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kulmeen kana wadahadleen arrimo badan oo siyaasadda dalka la xidhiidha, waxa kale oo uu sheegay dhibaatooyin siyaasadeed iyo sumcad-darro uu Soomaaliya ku hayo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

“Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Adxmed socodkeygii hadda ismaannaan arag, laakiin bishii Maarso 2012 ayaan arkay, su’aal ayuu I weydiiyey uu leeyahay. ‘Guddiga Somaliland iyo Soomaaliya dhex-dhexaadinaya ee la abuurayo ma kugu dari karaa? Waxaanan ku idhi; ‘Kaadhka iska gubi maayo, ee waan kugu soo socdaaye is ilaali.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlayey hadal ay bishii saddexaad ee sannadkan is-dhaafsadeen Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Arrimaha Siyaasadda: Siyaasadda waan galnay, waan galeynaa ma ahan, ee waan galnay, aniga weligeey isma oran siyaasad Soomaaliyeed baad geleysaa, waxaan maqsuud ku ahay nolosha cilmiga (Academic life) oo ah mid macaan, nadaafad badan, jeebkuna iska yara buuxo, meeshaad gashaba waa lagu fahmayaa, waxaan u baahanahay inaan bedelno sawirka ay innaga haystaan dadka dalkii jooga, waxey inoo haystaan dad naarta halkaas ka socota halkaan ka shida oo basiin ku sii shuba. Markaa waa inaan xilweyn iska saarno sidii aan dalka u badbaadin laheyd, qof kasta oo xilkas ah waa inuu wiil ama gabar yar oo wax baraneysa caawiyaa oo aad dadkaaga sidaa u maalgeliso waxba kaa tari mayso haddaad 10 shillin ku bixiso.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar oo la hadlayey Qurba-joogga Soomaaliyeed ee ay isku Xisbiga yihiin ee waddanka Holand.

Waxaanu Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya hindisaha la xidhiidha in midaw Soomaaliya iyo Somaliland mar kale dhex-mara lagala hadlo Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi; “Somaliland maanta in lagala hadlo midow ma qabo anigu, xaq looguma laha waa nacasnimo mana qaadan karaan, yey la hadlayaan.?”

SLpost News Desk

Mohamed Cabdi Aadan (Indho)

Indho145@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories