HomeAxmed Ibrahim Dahir (Axmed-Weyne) – Hoggaamiyihii Xilliyada Adag

Axmed Ibrahim Dahir (Axmed-Weyne) – Hoggaamiyihii Xilliyada Adag

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Bile whiteXilliga badhaadhaha dad oo dhami waa wada madax, waana wada siyaasi waana wada hoggaamiye. Balse xilliga adag, dadka in kooban ayuunbaa  ka soo dhex baxda oo talada qabata.

Qofka kasta oo xil madaxtinimo loo magacaabaa hawl uu qaban karaa hadduu qof iska caadi ah yahay, waayo waxa caawinaya kaabayaal badan oo mansabku wato oo ay ka midyihiin dad la shaqeynaya, dad kale oo kaaliyayaal u ah, gaadiid, lacag, xafiisyo, heybad albaab kasta uu ku geli karo iyo sharci iyo qaanuun u hiilinaya oo cidii amarka ka soo horjeesta u qabanaya.

Balse marka aaney jirin intaas oo kaabayaal ihi, dad waxa ka soo baxa, ruuxa u dhashey hoggaamiyanimada iyo raganimada. Marxuum Axmed Weyne wuxu ahaa nin xilliga ay adagtahay la isku halleyn karo. Hoggaamiyaha dhabta ihi waa ka isaga oo aan heysan lacag, awood iyo kabayaal kale, hadana hoggaamiya umadiisa.

Xilliyadii 1991 iyo sanadihii ka danbeeyey ee waddanku fowdada ahaa, waxa an aad u aqaaney oo an nasiib u lahaa inaan jaar noqono Marxuum Axmed Ibrahim Daahir (Axmed Weyne). Xilligaa wax xil ah oo siyaasadeed muu heynin, balse haddana waxa uu hayey xil ka weyn ka siyaasigu hayo, gaar ahaan magaalada Hargeisa.

Muddadaa an sheegay wuxu marxuumku goor walba mashquul ku ahaa xalinta arrin ama mushkilad, ha noqoto dad is diley, qaar dulmi tirsanaya, dad arrin dhex marey IWM. Odeytinimadiisa ka sakow, wuxu ahaa qofka loola tago arrinka adkaada ee gaar ahaan ku xidhma dadka adag ama qalafsan ee cid kale mari weydo. Wuxu ahaa qof xilka uu bulshada u hayo raganimadeeda leh, ku dhacna leh oo meel mariya waxa uu arko xaqqa. Waxa an dhowr goor u joogey isaga oo gar ku ridaya dad ay isxigaan oo u heelinaya qof kale oo ay heyb ahaan kala fog yihiin balse uu u arkayey inu dulman yahay. Wuxuuna  ahaa shakhsi  isku kalsoon, maskaxdana xor ka ah oo sida uu saxa u arko talada uugu dhaqaaqa.

Waxa jira dad marka ay siyaasadda galaan dadka caddaan iyo madow u kala saara oo wixii ay kala fikir yihiin u arka cadaw ama shisheeye wixii ay isku fikir yihiinna hoosta soo gashada. Marxuum Axmed wuxuu ahaa nin aad uuga korey kala qeybinta mujtamaca oo la fadhiista, saaxiibtinimana la wadaaga dad ay siyaasadda ku kala duwanyihiin. Marxuumku muu aheyn nin ku dheereeya hadalada jaafaajirqa ah ee warbaahinta la iskaga tuuro ama la isku aflagaadeeyo marka wax la isku khilaafo.

Ilaahow u naxariiso, inagana inooga daba naxariiso

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories