Homeaxkamadda Sare oo tababar u furay 50 Xubnood oo ka tirsan Garsoorka...

axkamadda Sare oo tababar u furay 50 Xubnood oo ka tirsan Garsoorka Gobolada Bariga ee Somaliland.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay wehelinayeen, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Sh. Barkhad Isaaq Barre, Agaasimaha Maxkamadaha Guur-guura Sharmaarke Yuusuf Faarax, Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim iyo Xisaabiyaha Maxkamadda Sare Caydaruus Maxamed Cabdi ayaa maanta Tababar socon doona muddo 10 cisho ah u furay 50 Xubnood oo ka tirsan Bahda Garsoorka Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Tababarkan oo hal-ku-dhigiisu yahay “Tababarka tababarayaasha Garsoorka” ayaa ujeedadiisu ahayd sare u qaadida aqoonta iyo khibrada Guddoomiyayaasha, Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyaasha, Qareennada iyo Kaaliyayaasha goboladaasi, si ay iyagu tababarada danbe gadh-wadeen uga noqdaan isla markaana loo helo jiil macalimiin ah oo fidiya aqoon is-waydaarsiyada dambe ee laga fulinayo goboladaasi.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer oo ku hadlayay afka kasoo qayb galayaasha ayaa u mahadnaqay kooxda tababarka hoggaaminaysay ee ka socday Maxkamadda Sare, waxaanu ku dhiirigaliyay kasoo qayb galayaasha in ay ilaaliyaan wakhtiga tababarka oo ay ka faa’iidaystaan duruusta muddadasi la is-waydaarsanayo, maadaama uu tababarkani hal-bawle u yahay joogteynta tababarro ay iyagu hoggaaminayaan.

blankGeesta kale Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo ku hadlayay magaca Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL ayaa u mahadnaqay dhammaan xubnihii kasoo qayb galay tababarka, ee wakhtigoodii u soo huray in ay ka faa’iidaystaan tababarkan oo laf-dhabar u ah tababaradda danbe ee goboladaasi laga fulin doono, ayaa sidoo kale u mahadnaqay, Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha oo door muuqda ka qaatay qabsoomida tababarkaasi, saraakiisha Maxkamadda Sare ka socotay iyo Hay’adda UNDP oo taageero muhiim ah ka gaysatay qabsoomida tababarka, waxaanu xusay in tababaradda la sii wadi doono, isagoo hoosta ka xariiqay ahmiyada uu leeyahay tababarkani iyo sida ay lama-huraanka u tahay in la xoojiyo tababarrada caynkan ah, ugu danbayna wuxuu tibaaxay in dhawaan laga fullin doono tababarro noocan ah Gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal.

blankTababarkan ayaa muddada uu socdo lagu gorfayn doonaa mawduucyo sal-dhig u ah arrimaha Garsoorka, waxaana la isku waydaarsan doonaa aaraa’ kala duwan oo qayb ka noqonaysa yoolka ah, helida macalimiin aqoon durugsan u leh bixinta tababarro tayo leh oo wax-ka-bedeli doona geedi socodka Bahda Garsoorka ee Goboladaasi. Tababarkan ayaa daba socdo tababaro muddooyinkii u danbeeyay si xidhiidh ah ay Maxkamadda Sare u bixinaysay kuwaasi oo kaalin mug leh kaga jira kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bahda Garsoorka dalka.

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories