HomeAxkaamta Udxiyada iyo Aadaabta Ciidda.

Axkaamta Udxiyada iyo Aadaabta Ciidda.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ugu Horeyn Waxaan Dardaarmayaa Inaynu Ka Faa’idaysano tobanka Maalmood Ee U Horeeya Bisha Dulxaj , Kuwaas Oo Ah Maalmo Barakaysan .
Marka Labaad Waxaan Jecelahay Inaan Soo Bandhigo Maadaama Oo Ay Inagu Soo Dhawaatay Ciidii Inaan Maqaalkan kaga Hadlo Axkaamtaudxiyada & Aadaabtaciida.
Udxiyadu Waxay Ka Mid Tahay Shacaa’irta Islaamka Ee Waaweyn , Waxayna Ka Mid Tahay Acmaasha Waaweyn Ee Ilaahay Loogu Dhawaado.
Qeexid:
Udxiyaduwaaxoolaha Loo Gowraco Ciida Darted Maalinta Ciidda Sadexda Maalmood Ee Ka Dambeeya (11-12-13 Dul-Xaj) Iyada Oo Cibaado Ahaana Loola Jeedo Iyo In Ilaahey Loogu Dhawaado.
Xukunkeeda:
Waxay isku waafaqeen culimadu inay tahay suno la adkeeyey marka la eego inta awoodaysa.
Waana mashruuc Waxa uu ilaahay kuyidhi qur’aankiisa:-
فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ)سورة الكوثر 2ِ)
Ilaahay wuxuu yidhi:(nabi maxamedow u tukorabigaa ( salaadaciida) gawracna xoolaha )suratkawthar 2
Waana sunne aad u muhiim ah mana wanaagsana inuu katago qof waliba oo awood u leh, nabigeena maxamed ahaana kama tagin in uu udxiyo la baxo mudadii 10ka sano ee uu joogay magaalada Madiina: sidaas darted waxa ay Culimadu yidhaahdeen waxaa xataa u banana qofka awooda inuu deyn qaato iskana bixinkara inuu qaato si uu udxiyada u bixiyo oo aanu ajarkeeda u dhaafin.
Goorma ayaa udxiyada gowraceedu bilaabmaa:
Udxiyada gawraceedu waxa uu bilabmaa salaada ciida ka dib sida uu nabigu nnkh inoo sheegay :
( من ذبح بعد الصلاة فقد تم نسكه وأصاب سنة المسلمين)
Qofkii gowraca salaada ka dib udxiyadiisu waa ay ansaxday, sunnadii muslimiintana wuu haleelay)
Shuruudaha Udxiyada

waxaa muhiiim ah inayna udxiyadu lahayn afar tan arimood ee soo socda sida uu nabigu nnkh sheegay.
أربعة لا تجزئ في الأضاحي : العوراء البين عورها , والمريضة البين مرضها والعرجاء البين
ضلعها, والعجفاء التي لا تنقي
1- waa inaanu ahayn neef cawaran oo ay cawarnaantiisu muuqato.
2waa inaanu ahayn neef buka oo xanuunsanaya islamarkaana xanuunkiisu cadyahay oo uu muuqdo.
3-waa inaanu ahayn neef laangadhe ah oo jiis ah .
4-waa inaanu ahayn neef taagdaran oo caato ah .

Waxaa wanaagsan qofka yaqaan gowraca inuu isagu gacantiisa kugowraco sida nabiguba gacantiisa ugu gowracay, isaga oo magacaabaaya magaca ilaahay kadibna naftiisa iyo ehelkiisa ama cidda u wakiilatay – بسم الله ألله أكبر, اللهم هذا عن فلان – qofkii aa n gowraca aqoonin waxaa haboon inuu joogo meesha lagu gowracayo udxiyadiisa hadii uu awoodo, sidoo kale waxaa wanaagsan inuu qeyb kacuno qeybna u hadiyeeyo Qaraabada&Dariska, Masaakiintana wax kagasadaqeeyo
(فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْبَائِسَ الْفَقِيرَ)
Waxaa u haboon qofka udxiyaysanaya inaanu jarin cidiyihisa iyo timihiisa laga bilaabo markay dulxaj bilaabanto, hadii uu jarana wax kamid ah waa in uu illaahey u towbadkeenaa udxiyadiisuna waxba umadhimeyso, hadii uu iloobo ama dan kukaliftana wuu jari karaa, waxaana sidoo kale kareeban inuu iibiyo xubin kamid ah neefka udxiyada ah amaba uu kiro ahaan u siiyo midka xoolaha gowracaayo.
Aadaabta Ciida
Ciidu waa farxad la muujinayo maadaama oo uu ilaahay dadka muslimiinta ah u nicmeeyey , si ay nicmadaas u nuujiyaan uguna farxaan , wuxuu ilaahay islamka u sameeyey laba ciidood oo ay kusoo bandhigaan farxadooda. Waxayna kala yihiin ciida carafada iyociida fidriga.
Waxa qofkasta oo muslim ah laga rabaa inuu ilaaliyo aadaabta ciida oo ah sidan:
1-takbiirta:oo ah mid la wadayo laga soo bilaabo subaxa ciida arafo ilaa maalinta sadexaad ee k a danbeysa ciida.
2-salaada ciida in la tukado: dadka muslimiinta ah waxa ku waajib ah inay salaada ciida tukadaan hadii uuna lahayn cudurdaar sharci ah , waxaana fiican in uu qofku ku tukado musalaha iyo garoonka ay dadku ku tukanayaan.
3-inuu maydho oo uu is udgooneeyo: maalinta ciida waxa laga doonaya qof walba oo muslimiinta ka mid ah in uu soo xidho dharkiisa kuwa ugu wanaagsan , sidoo kalana uu isa soo cadriyo ,gaar ahaana waxa laga rabaa dumarka inay soo qaataan xijaabka sharciga ah .
4-wadada in la badalo: qofka muslimka ah waxa laga rabaa in marka uu ka soo noqdo salaada ciida uu soo maro wado aan ahayn tiiuu markii hore soo maray si uu salaanta u badiyo.
5-ka fogaanshaha macaasida iyo dunuubta : dad badan ayaa maalinta ciida ku dhaca macaasi iyaga oo sheegaya inay tahay maalin farxadeed waxaana ka mid ah macaasidaa.
• Raga iyodumarkaoosidhexgala.
• Gadhka oo la xiiro .
• Qaadka iyo sigaarka oo aad loo isticmaalo
• Xijaabka oo laga tago
• Heesaha oo la dhagaysto
• Xoolaha oo lagu xadgudbo .
• Khamaarka oo la ciyaaro
• Riwaayadaha oo la camiro.
6- hambalyeynta:waxa laga rabaa qof kasta oo muslim ah in uu walaalkiisa kale u hambalyeeyo una muujiyo farxad.waxa kale oo muhiim ah in uu qofku qaraabadiisa booqdo.
Ugu danbeynti iilaahay waxaynu waydiisanaynaa inuu ciida inagu gaadhsiiyo caafimaad iyo nabadqab.
عيدكم مبارك وكل عام وأنتم بخير
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

Maxamuud Maxamed (Abucubayda)
Email:Abucubayda01@Gmail.Com
Tell:+252- 63 – 4196612
Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories