HomeAxkaamta Soonka – Qaybta 2aad

Axkaamta Soonka – Qaybta 2aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhWaa ayo cidda soonku ku waajiibayo?

  • Qofku waa in uu Muslim yahay
  • Qofku waa in uu qaangaadh yahay (qof aan qaan-gaadh ahayn laguma laha soon balse haddii uu karayo loo diidi maayo)
  • Qofku waa in uu miyir qabaa oo maskax ahaan uu dhan yahay
  • Qofku waa inuu awood u leeyahay soonka (waxa meesha ka baxaya qofka da’da ah, ka xanuunsanaya, haweenayda uurka iyo ta jaqsiinaysa)

Hadmaad soomaysaa, maxaa se lagaa rabaa?

  • In la arko dhalashada bisha Ramadaan. Rasuulku CSW waxa uu yidhi aragti ku sooma, aragtina ku afura. Waxa kale oo uu yidhi haddii bishu idinka qarsoonto Shacbaan dhammaystirta.
  • Niyadda: Waa in niyad uu qofku la yimaaddaa oo uu go’aansadaa in uu soomayo. Rasuulku CSW wuxu leeyahay camal dhammaantii waa niyadda
  • In aad ka afxidhnaato cunista iyo cabbista (ahmiyadda ugu weyn ee soonku waa in anaad la iman cunis iyo cabbis).

Maxaa sunne ah?

  • In laga tago hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku CSW wuxuu lahaa qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha inuu sooman yahay iyo in kale. Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku CSW lahaa, “Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soomkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow
  • In la dedejiyo afurka: Rasuulku CSW wuxu yidhi, “Wali dadku khayr ayey ku sugan yihin inta ay dedejinayaan afurka.” Qorraxda marka la hubsado in ay dhacday waa in la afuraa oo aan dib loo dhigin lana dhayalsan
  • In dib loo dhigo suxuurta: Xadiiska aynu kor ku xusnay waxa ka mid ahaa in khayrku ku jiro in suxuurta dib loo dhigo, waana sunne fiican. Se khayr kuma jiro qofku in uu cashada iyo suxuurta is raaciyo. Muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax.

 

Maxaa soonka jabiya?

  • In aad diinta ka baxdo, waxa kale oo ka mid ah haddii qofku uu diinta caayo ama Alle iyo Rasuulkiisa caayo, soonkiisii iyo islaamnimadiisiiba way burayaan, waxaana looga baahan yahay inuu dib u islaamo
  • In aad cunis iyo cabbis u kas ah la timaaddo
  • In gabadha caadadu ka timaaddo
  • In aad niyadda ka jabiso (tusaale ahaan tidhaah maan iska jabiyaa)
  • Inaad si ula kac ah iskaga hunqaaciso
  • Inaad galmo la timaaddo maalin Ramadaan si u kas ah
  • In aad biyaha taranka gacantaada isaga keento ama si kale ba isaga keento.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

LA SOCO……………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories