HomeAxkaamta Soonka – Qaybta 1aad

Axkaamta Soonka – Qaybta 1aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

shekhHordhac

Erayga ‘soon’ waa ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in aan la samayn, waana in aad xilli tirsan ka af xidhnaato cuntada, cabbitaanka iyo galmada. Culimada ku horraysa luuqadda Carbeed waxa ay ka soo dheegtaan aayadda ka warramaysa Maryan Bintu Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka inay wax tilmaanto mooyee, ee tolkeedna su’aashii ku soo celceliyeen, ayey si kooban ugu tidhi, “Waxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.”

Culimadaasi waxa ay yidhaahdaan waxa ay ka joogsatay hadalkii ; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah soon iyadoo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanta iyo xilliyada kale ee qofku Alle SWT u sooman yahay.

Shanta tiir ee dhidibbada u haya diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, haddii meesha laga saaro tiirkaasna diintu la’aantii noqonmayso mid dhammays tiran, waana tiirka afaraad ee islaamka. Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaantu, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay, sidaa awgeed ayey ku mutaysatay inay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan.

Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay waa gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka hore ba bannaanayn, taas oo aanay jirin bil la wadaagta. Af-xidhashadaasi waa waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT ku doorto inuu si gaar ah u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga, “Waxqabad kasta oo ina Aadan la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, kaana anigaa leh (soonka), anigaana ka abaal celinaya.”

Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa inay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sidoo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto.

Bishani maaha bil ugub ku ahayd soo saaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle SWT ‘Muxammed’, hase ahaate, waa bil la yaqaanay oo ergooyinkii hore ba ummadahooda fari jireen. Eeg aayadda Alle SWT ku leeyahay, “Kuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon, sidii kuwii idinka horreeyey ba loogu waajibiyey si aad u baqataan.” Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle SWT laga baqo.

Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadadaa Alle SWT. Bal aynu soo hor marino waxyaabaha soomka waajibiya:

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories